duur

 

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa si aad u kala fog uga hadlay amaanka Somaliland ee xiligan.

Wasiirka iyo Guddoomiye Faysal oo qayb ka ahaa Masuuliyiin idaacada VOA maanta u qabatay dood la xidhiidha dhawaaqii Ingiriiska, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay aragtidooda amaanka ee Somaliland.

Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ku dooday in aanu dalku sugan yahay isla-markaana aanay jirin cabsi muuqata oo laga qabbo amaanka dalku, isaga oo sidoo kalena sheegay inay dawladda Ingiriiska ka sugayaan inay afar maalmood ku faahfaahiso waxa ay ka qaylisay.

Wasiir Duur oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Ingiriiska waxaanu ka sugaynaa inay muddo afar maalmood ah kaga soo jawaabaan dhawaaqooda, waxaana la filayaa in wefti Somaliland ka socdaa uu Ingiriiska taggo, sida wax u dhaceen kuma faraxsanin, laakiin waxaanu xaqiijinaynaa uun in xagayaga aanay cabsi ka jirin, ilaalinta ajaanibkana ay hay’addaha amaanku ku filan yihiin”

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isagu qabba fikrad taasi aad uga durugsan ayaa yidhi  “Waxa la isku hayaa maaha Somaliland dagaalbaa ka socda, ee waa amaanka, imika Hargeysa oo kale isma laha sida ay u balaadhatay iyo tiradda boolisku, booliskuna mushahar ku filan ma qaataan, derajo dhiirigalin ahna malaha, dhawaaqa Ingiriiskuna waa waxa yimaada mararka ay ka quustaan amaanka, waxayna arkeen in amaanku aanu u adkayn sidii uu amaanku u adkaa xiligii dawladdii hore, muddo badana waxa la lahaa waxbaa soo galay”

Dooda labadan masuul dhex martay oo ay sidoo kale ka qayb-galeen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaanu hadhow idiin soo gudbin doonaa iyadda oo dhamaystiran.”