FankaWasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadii marxuum Cigaal Sheekh Axmed Muxumed Axmed (Aayatulle) ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu qaranka Somaliland iyo dawladnimadiisa meel ka dhac ku yahay, uguna baaqay in si dhakhso ah ay usoo afjaraan ismaan-dhaafkooda. Sheekh Axmed Aayatulle isagoo digniinaha ka soo yeedhay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ka hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay inay si dhab ah u cadeeyaan cidda nabadgalyada Somaliland khatarta ku ah, isagoo sidoo kalena xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in xaalada nabadgalyada dalka ay si dhab ah ugu xaqiijiso beesha caalamka. Sheekh Aayatulle waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xarunta wargeyska Haatuf nagu soo booqday, kaas oo sidoo kale kaga hadlay waxay Diinta Islaamku ka tidhi Suufiyada iyo culimada ku xeel-dheer, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Suufiyada iyo cilmigooda Tasawufka oo cilmiga Suufiyada ahi waxa weeyaan cilmiga lagu garto xaaladaha ay naftu leedahay mid wanaagsan iyo mid xunba iyo sida layskaga sifeeyo xaaladeeda xun. Cilmiga tasawufka ee saafinimadu waxa weeyi cilmiyada la barto ka ugu sharafta badan, waxaanu ku taxaluqaa barashada Ilaahay iyo jacaylkiisa marka isaga iyo cilmiyada kale laysku eego wuxuu u yahay asal iyo shardi, maxaa yeelay cilmi iyo camal fal midna waxa jira maaha hadaanu ahayn mid xaga Alle kuu jihaynaya ahayn, cilmigaasi cida dajisayna waa Alle oo u waxyooday Rasuulkiisa iyo Nabiyadii ka horeeyey, Suufiyaashuna cilmigaasi waxay u isticmaalaan saddex magac shareeco oo ah Axkaamta uu Ilaahay ku soo dajiyay Rasuulkiisa oo ay ka fahmaan culimadu Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulkiisa, kaas oo ujeedadiisu tahay cilmiga Tawxiidka ee barashada Ilaahay iyo sifooyinkiisu cilmiga fiqiga ee xaraanta iyo xalaasha lagu kala barto iyo cilmiga tasawufka oo lagu barto sida qalbiga looga sifeeyo dunubta, raga u ehelka ahina waa raga culimada diinta ugu sareeya ee Alle Qur’aankiisa ku sheegay, cadow Ilahayna waxa ah qofka kuwaa la colka ah” Sheekha oo ka hadlaya digniinaha ka soo yeedhay dawladaha ingiriiska iyo maraykanka ee ay ku sheegeen in xaalado nabadgalyo daro ay ku soo fool leeyihiin Somaliland, ayaa waxa uu yidhi “Waxaa la yidhi Geenyo fakatay ninka raadinaya iyo ninka haya ka raadinaya ayaa uga war roon ka haya, Maraykanka iyo ingiriisku iyagaa eryanaya argagixisadaa ee halkay inaga soo galeen iyo halkay ku jiraamn farta hay noogu fiiqaan, oo hayna tusaan, hadaanay digniinaha ka soo yeedhayaa ahayn kuwo siyaasadeed oo ay ku weerarayaan gooni isku taaga Somaliland, waxaanu leenahay ingiriiska iyo maraykanka-ba ka baxa madowga oo badheedha oo cida noo soo gashay ee dalkayaga nabadgalyadiisa khatarta ku ah si cad u sheega aanu iska qabanee. Xukuumada madaxweyne Siilaanyo-na waxaa looga baahan yahay inay noqoto mid shacbiga iyo dawladaha shisheeyahaba uga xog roon dalka gudihiisa, loomana baahna in xukuumada Siilaanyo noqoto Lax dhugani col iyo abaarba moog” Sheekh Aayatulle isaga oo ka hadlaya khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka soo kala dhex galay ee dibada usoo baxay, waxaanu yidhi “Horta waa nasiib daro in maanta la yidhaahdo xukuumadii baa laba garab u qaybsantay, waxaan leeyahay madaxweyne Axmed Siilaanyo madaxweyne ku xigeenka la soo wada doortay iyo wasiirada uu digreetada ku magacabay ha kala garto, madaxweyne ku xigeenkuna dudumada hayska daayo oo shaqadiisa ha qabsado, oo wasiiro yaryar yaanu maalinkasta xilkiisa qaran iyo waajibaadka saaran uga baaqsanin, khilaafyo ka dhex qarxa laba masuul ee ugu sareeya dalka, waa waxyaalaha maamulada Somalia loo dhiso fashiliyay, sidaa darteed khilaafyada ka sooifbaxay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waa arrin xad gudub iyo meel ka dhac ku ah dawladnimada Somaliland waxaana loo baahan yahay in laga fogaado khilaafyo siyaasadeed oo qarankan wax u dhimi kara”.