Gabiley(SBN)Fanaanka Caanka Ah Ee Fu,Aad Cumar-Yare ayaa Maanta Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley, sidoo kalena waxaUu Fanaanku Indho-indhayn Kusoo sameeyey Qaybaha kaladuwan Ee Ayka Koobantahay JaamacadaTimacade University.
Fanaanka Ayaa waxaa duleedka magaalada Gabiley kaga hortagay qaar Kamida xildhibaanada Golaha deegaanka gabiley, baabuur iyo dadwayne Aad U tiro Badan Kuwaas oo Ugu Dambayntii Iskugusoo Biyo shubtay xarunta dawlada Hoose ee Degmeda gabiley Halkaasi Oo uu Ku Qaabilay maayarka degmeda gabiley Md: Shucayb Maxamed Muuse.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley maayarka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu sidiiran usoo dhaweeyey fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland fu,aad cumar yare waxaanu hadaladii Maayerka ka mid ahaa “ maanta waxaa farxad noo ah hadaanu nahay bulshada gobolka gabiley ,ina fanaanka caanka ah ee reer Somaliland Fu,aad cumar yare oo booqasho ku yimid gobolka gabiley aad iyo aad baan u soo dhaweyneynaa, fanaankaa qaaliga ah. Waxaynu oganahay inuu yahay fanaanka kaliya ee gobolada dalka oo dhan kormeerku soo Marey , ee ku soo dhiiradey inuu dalkiisiiyimaado, fanaaniinta kalena waxaanu ugu baaqyaa inay ku deydaan faanaankaa qaaliga ah“ Ayuu yidhi.
maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse
Sidoo kale waxaan halkaasi ka Hadley fanaanka caanka ah ee reer Somaliland fu,aad cumar yare, waxaanu u mahad celiyey dhamaan dadweyanah ku dhaqan gobolka gabiley, sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen fanaanka waxaanu yidhi “ runtii waxaad ogaaneysaa inaad qof jir tahay markaad timaado dalkaaga hooyo,maanta run ahaantii waxaan dareemayaa farxad aad u balaadhan oo qiime gaar ah ii leh , sida qurux badan ee sharafta leh ee aad iisoo dhaweyseen, maah mid aan ku cabiri karo hadal ama erey ,waxaan inoo rajaynayaa barwaaqo iyo hurumar. Waa inaad ku dadaashaan nabadaa aynu ku caano maalney, dhalinyaradu ay ku dadaalaan sidii ay wadanka u horumarin lahaayeen oo ay ka fogaadaan qabyaalada“ Ayuu Yidhi fu,aad Cumar-Yare.
Intaasi ka dib gudoomiyaha Ardeyda jamacada Tima-ade iyo fanaanku waxay kormeer indho indhayna kusoo mareen qaybaha kala duwan ee ay jaamacada Tima-ade ka kooban tahay , waxaanu mid-mid u galey hoolalaka jaamacada iyo Leybareeliyada, waxaanu kulan la qaatey gudoomiyaha ardeyada jaamacada Axmed geedi khaliif oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ardeyda jaamacada Tima-ade university, waxaanu fanaanka iyo gudoomiyaha ardeydu baaqu direy jaaliyadaha somaliland ee ku dhaqan wadamada qurbaha, inay ka qayb qaataan horumarin laxaad leh oo ay ku sameeyaan jaamacada Tima-ade ee Gobolka gabiley.
SUBULAHANEWS.COM
GABILEY/SOMALILAND.
