Berbera(SBN)Mayarka Magaalada Berbera CabdiShakuur Maxamuud Xasan,(Cabdishakuur Cidin), ayaa Maanta Ku Dhawaaqay Samayta Guddi Heer Gobol ah, kuwaas oo Maamulka Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Saaxil,ee hada Jira kala Shaqayn Doona Horumarinta iyo kor u qaadida Tayada iyo akhlaaqda ay leeyihin Kooxaha Ciyaaraha Kala Duwan ee ku ciyaara Magaca Gobolka Saaxil.
Munaasibad Balaadhan oo Lagu qabtay, Xafiiska Maayarka ee magaalada Berbera, ayaa waxaa ka soo qayb galay Dhamaan Masuuliyinta Laamaha Dawlada ee Heer Gobol iyo Heer Degmo, Gudoomiyayaasha Haayadaha Aan Dawliga ahayn, Ganacsato, Xildhibaano, iyo sidoo kale Masuuliyinta sar sare ee Gobolka Saaxil, sida Gudomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil, Khadar Cali Cilmi, Maareeye ku Xigeenka Kobaad ee Dekada Berbera, Cumar Abokor Jaamac, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidalka Dr, Cismaan Cabdi Barkhadle ( Shiine), iyo Marti sharaf kale.
Waxaana Munaasibadan ugu horayn ka hadlay, Mayaarka Magaalada Berbera, Md CabdiShakuur Maxamuud Xasan,(Cabdishakuur Cidin), isaga oo ka waramay in Guddidan oo iyagu ah Ciyaartoydii hore ee Gobolka, ahna Shakhsiyaad inta badan ku dhex jira Bahda Ciyaraha, kuna Fikira sidii ay Ciyaarahu Horumar u gaadhi lahaayeen, loo sameeyay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Tayada iyo Akhlaaqda Ciyaartoyga Gobolka Saaxil, waxaana isaga oo arimhaas ka hadlaya uu yidhi
“munaasibadan Magacaabista Guddidan Horumarinta Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil, waxaa marka sida aynu wada ognahay, ujeedadeena ugu weyni tahay Marwalba, in ay Berbera iyo Guud ahaan Gobolka uu Gaadho horumar balaadhan, oo aynu wax u qabano Bulshada aynu Xilka u hayno, oo Berbera ay Noqoto Magaalada ay ka Muuqato Isbedel dhinacyo badan lehi, Dhinaca Guddida waxaan Doonaynaa in Gobolku uu yeesho Ciyaartoy ay ka muuqato Xirfad iyo Akhlaaq, si ay Gobolka Guulo ugu soo hooyaan”.
Maayar (Cabdishakuur Cidin), Waxa kale oo intaa ku daray, “ Guddidani waxay ka kooban yihin Ciyaartoygii hore ee Gobolka, waxaanay la Shaqayn Doonaan Maamulka Wasaarada Ciyaaraha, waa Guddi la bebeli koro, maaha Guddi waligood jiri doona, markaa waxaan Rajaynaynaa in ay Horumar weyn Gaadhsiin doonan Ciyaaraha qaybahooda kala duwan”. Ayuu yidhi Maayar Cidin.
Waxaa isna Halkaa ka Hadlay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Dr, Cismaan Cabdi Barkhadle ( Shiine), oo isagu ka mid ahaa Ciyaartoygii Waaweynaa ee Gobolkii Togdheer Sideetameeyadii, uga qayb gali jiray Ciyaarahii Gobolada ee Dawladii burburtay ee Somaliya, waxaana uu ka waramay Taariikhda Ciyaartoynimo, iyo sifaha Ciyaartoyga Wanaagsan, isaga oo hogatusaaleeyay sida ay Guddidu u xuli karto Ciyaartoy Tayo iyo Akhlaaq leh,
waxaana uu Meesha ka saaray in aanay isqaban Karin Balwada iyo Ciyaartoyga wanaagsani, isaga oo Maamulka Gobolkana u soo Jeediyey in Horumarka Guddidani ay ku xidhantahay sida Maamulka Gobolku ula Shaqeeyo.
Isu Duwaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil, Shaafici Jaamac Aadan, ayaa isaguna Dhinaciisa si weyn u soo daweeyay Magacaabista Gudidan, waxaana uu Xusay in ay Hawlo Badan oo Markii hore kali ku ahaa, ka Furan doonaan, taasina ay Keenayso in Ciyaarahii horumar gaadhaan, waxaana uu Maayar Cidin ku Amaanay Samaynta Guddidan.
Maareeya Ku Xigeenka Dekada Berbera, Cumar Abokor Jaamac, ayaa isaguna Cadeeyay Guddidan iyo Horumarka ay Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolkaba Gaadhsiin Karaan, waxaana uu Xusay in ay Wixii talo iyo Taakulo ahba la Garab istaagayaan Gudidada iyo Maamulka Ciyaarahaba. Munaasiban Maanta Lagu Magacaabayey Guddida Horumarinta Ciyaaraha Gobolka Saaxil, ayaa waxaa kale oo halkaa ka hadlay Masuuliyin tiro badan, kuwaas oo Dhamaantood Maayarka Berbera, ku amaanay Samaynta Guddidan.
Maayarka Cusub ee Degmada Berbera, Cabdishakuur Cidin, ayaa isagu Mudooyinkii u danbeeyay waday Hawlo Dhinaca horumarinta ah, kuwaas oo isagu jira Bilowga Mashaariic Cusub, iyo Dayactirka Dhismayaal hore u jiray, waxaana uu balan qaaday in isaga iyo Maamulkiisa Cusubi ay wadatashiyo la yeelan Doonaan Bulshada Reer Berbera, iyo Masuuiyinta Laamaha Dawlada si wadajir Horumar loogu Gaadho.
Magacyada Guddida Cusub ee Loo Magacabay Horumarinta Ciyaaraha Gobolka Saaxil.
1. Cabdirashiid Gaas Ibraahin.
2. Maxamed Biixi.
3. Cabdi Aadan.
4. Xasan Cige.
5. Cabdirashiid Saleebaan, sanyare.
6. Maxamed Saleebaan.
7. Maxamuud Maxamed.
Dadweynaha Gobolka Saaxil, ayaa iyagu Maalmahan si weyn u hadal hayey Guddidan waxana ay hadal hayntoodaasi isigu biyo Shubaynaysaa in ay wax weyn ka Bedeli karaan Tayada Ciyaaraha Ee Gobolka, Maadama oo Dhawaan Berbera loo Dhisay Garoon weyn, Ciyaartoyga Gobolka, Meeshana ay ka saari Doonaan Dhalilahii loo soo jeedin jiray Bahda Ciyaaraha.
SUBULAHANEWS.COM
BERBERA/SOMALILAND.
