crayTan iyo intii S/land lagu dhawaqay inay Somaliya kala soo noqotay

xoriyadeedii ay u hurtay qorshihii shanta Somaliyeed waxa soo

if-baxayey sida beelaha darifyadu uga biyo diidan yihiin habka talada

dalka loo unkay. Habkani oo beesha Isaaq aan lagu canaan karin iyaguna

ahaayeen dadkii ugu jilicsanaa markii la aasasayey jamhuriyada S/land

lakin caqli xumo,talo la’aan iyo maangabnimo ka timid xaga beelaha

darifyada ama Samaroon iyo Harti ayey ku salaysnayd. Xiliyadii ugu

horaysay ee dawladii marxuun Cigaal ayey soo bandhigeen tabashada ay

salaadiin beelaha Samaroon arinkan oo uu marki uu maaraynkari waayey

hubsadayna sida ay iskugu xidhanyihiin beelaha Samaroon ayuu marki

danbe ku kala furfuray kharash kasoo baahidii waqtigaas jirtay awgeed

salaadintu ka doorteen dulinimada,bahdilaada,quudhsida iyo gumaysigan

casriyaysan ee maanta beesha haysata. Bahdilaadan iyo gumaysigan oo

hadii lagu sii wado dadku marka danbe iskala qabsankaraan sida maanta

xaalku u egyahay marka aad fiiriso aad arkayso gobolkii dad aan u

dhalan ay u maamulayaan iyada oo dadkii gobolkan ee aqoonta iyo waayo

aragnimada lahaa aan meelkale loo badalin.Waxa aad arkaysaa in

taliyuha qaybtu waxa uu doono ka samaynayo,iyada oo aan hore u ogayn

in uu is hortaagay xus ama xaflad loo samaysnayey dadkii socotada ahaa

ee lagu qawracay jidka u dhexeeya Dilla iyo Kalabayr,sidoo kale waxa

uu is hortaagay xafladii 4tii janaury lagu xusi lahaa dadki shuhadada

ahaa ee Jabhadii saqiirka,maatida,culumada iyo bilma gaydada

gumaadaysay ay ka samaysay dhamaan magaloyinka iyo tuulooyinka

gobolka. Aan ku so noqdo maqaalka waxa ila fogaatay caadifadee,Markii

uu talda dalka la wareegay xisbiga Kulmiye oo u badan qamaamirtii

jabhadi Snm waxa uu soo dhisay dawlad wada reer ah halka beesha

Samaroon ay ka qaateen 2 wasiir oo kuwa ugu liita ah iyada oo la

ogyahay in beesha la’aanteed dawladnimo jirayn hadan markii la ogaaday

karti la’aanta beesha ayaa lagu dhiiraday in 2 wasiir loo magacaabo.

Xildhibanada beesha samaroon wa ay ka gilgisheen qoraan iyo kulanba

way kala yeesheen madax-weynaha laakin looma joojin. Sanadkii hore

dhamaadkisi ayey ahayd marki xildhibanadu xadhkaha furteen ee markii

ugu horaysay saxaafada iyo caalamka usoo bandhigeen sida ay ugu dulman

yihiin nasiib xumo waxa jawabtooduu laga dhigay in lagu soo diro

beesha Ciise oo damac weyn laga galiyey gobolka Selel dawladuna dabada

ka wado si meesha uga baxdo tabashada gilgishay madaxtooyada. Waxbadso

wax beel ayey keentaye intii reer Awdal u halgamayeen in loo kordhiyo

tirida dawlda dhexe ay ku leeyihiin ayaa ardaagoogii daad ugu soo

galay marki loo magacaabay taliyaha qaybta gobolka nin reer Burco

ah,hadana la raaciyey kastamkii,gudoomiyihii maxkamada,cashuuraha

bariga iyo banka oo uu horey u joogay isna nin reer Burco ah ku darso

waxa kalee oo hadana isku badalka gudoomiyeyaasha gobolka ku yimiday

ninkale oo reer Burco ah malaha arinkan oo dad badani u arkaan in

xiisadii ka dhex jirtay beelaha H/yoonis iyo H/jeclo ee Burco in lagu

ilawsiiyo inay maamulaan dadkii aqoonta,sharafta,iyo dawladnimadaba

aasaaskeeda lahaa, waa ayaan daro ku habsatay beesha Samaroon in

gobolkooda kaliya uu maamulo rag beelo kale ka soo jeeda iyagoo

aqooyahanadii gobolku suuqyada magaalda daadsanyihin aqoontoodiiida ku

biyo shubatay macalinimo iyo kala taageerid dad ay ka aqoon badan

yihiin laakin nin laa u doobiyey.

gabgadii malaga yaaba in magaalooyinka gobolka Awdal lagu qabso in ay

iska soo sharaxaan beelahan reer sh.isxaaq oo wax waliba ku tijaabiyey

beesha Samaroon oo aan diidmaba lahayn.

 

Qalinkii ; Maxame munin

xaqdoor2020@gmail.com