Tan iyo intii S/land lagu dhawaqay inay Somaliya kala soo noqotay
xoriyadeedii ay u hurtay qorshihii shanta Somaliyeed waxa soo
if-baxayey sida beelaha darifyadu uga biyo diidan yihiin habka talada
dalka loo unkay. Habkani oo beesha Isaaq aan lagu canaan karin iyaguna
ahaayeen dadkii ugu jilicsanaa markii la aasasayey jamhuriyada S/land
lakin caqli xumo,talo la’aan iyo maangabnimo ka timid xaga beelaha
darifyada ama Samaroon iyo Harti ayey ku salaysnayd. Xiliyadii ugu
horaysay ee dawladii marxuun Cigaal ayey soo bandhigeen tabashada ay
salaadiin beelaha Samaroon arinkan oo uu marki uu maaraynkari waayey
hubsadayna sida ay iskugu xidhanyihiin beelaha Samaroon ayuu marki
danbe ku kala furfuray kharash kasoo baahidii waqtigaas jirtay awgeed
salaadintu ka doorteen dulinimada,bahdilaada,quudhsida iyo gumaysigan
casriyaysan ee maanta beesha haysata. Bahdilaadan iyo gumaysigan oo
hadii lagu sii wado dadku marka danbe iskala qabsankaraan sida maanta
xaalku u egyahay marka aad fiiriso aad arkayso gobolkii dad aan u
dhalan ay u maamulayaan iyada oo dadkii gobolkan ee aqoonta iyo waayo
aragnimada lahaa aan meelkale loo badalin.Waxa aad arkaysaa in
taliyuha qaybtu waxa uu doono ka samaynayo,iyada oo aan hore u ogayn
in uu is hortaagay xus ama xaflad loo samaysnayey dadkii socotada ahaa
ee lagu qawracay jidka u dhexeeya Dilla iyo Kalabayr,sidoo kale waxa
uu is hortaagay xafladii 4tii janaury lagu xusi lahaa dadki shuhadada
ahaa ee Jabhadii saqiirka,maatida,culumada iyo bilma gaydada
gumaadaysay ay ka samaysay dhamaan magaloyinka iyo tuulooyinka
gobolka. Aan ku so noqdo maqaalka waxa ila fogaatay caadifadee,Markii
uu talda dalka la wareegay xisbiga Kulmiye oo u badan qamaamirtii
jabhadi Snm waxa uu soo dhisay dawlad wada reer ah halka beesha
Samaroon ay ka qaateen 2 wasiir oo kuwa ugu liita ah iyada oo la
ogyahay in beesha la’aanteed dawladnimo jirayn hadan markii la ogaaday
karti la’aanta beesha ayaa lagu dhiiraday in 2 wasiir loo magacaabo.
Xildhibanada beesha samaroon wa ay ka gilgisheen qoraan iyo kulanba
way kala yeesheen madax-weynaha laakin looma joojin. Sanadkii hore
dhamaadkisi ayey ahayd marki xildhibanadu xadhkaha furteen ee markii
ugu horaysay saxaafada iyo caalamka usoo bandhigeen sida ay ugu dulman
yihiin nasiib xumo waxa jawabtooduu laga dhigay in lagu soo diro
beesha Ciise oo damac weyn laga galiyey gobolka Selel dawladuna dabada
ka wado si meesha uga baxdo tabashada gilgishay madaxtooyada. Waxbadso
wax beel ayey keentaye intii reer Awdal u halgamayeen in loo kordhiyo
tirida dawlda dhexe ay ku leeyihiin ayaa ardaagoogii daad ugu soo
galay marki loo magacaabay taliyaha qaybta gobolka nin reer Burco
ah,hadana la raaciyey kastamkii,gudoomiyihii maxkamada,cashuuraha
bariga iyo banka oo uu horey u joogay isna nin reer Burco ah ku darso
waxa kalee oo hadana isku badalka gudoomiyeyaasha gobolka ku yimiday
ninkale oo reer Burco ah malaha arinkan oo dad badani u arkaan in
xiisadii ka dhex jirtay beelaha H/yoonis iyo H/jeclo ee Burco in lagu
ilawsiiyo inay maamulaan dadkii aqoonta,sharafta,iyo dawladnimadaba
aasaaskeeda lahaa, waa ayaan daro ku habsatay beesha Samaroon in
gobolkooda kaliya uu maamulo rag beelo kale ka soo jeeda iyagoo
aqooyahanadii gobolku suuqyada magaalda daadsanyihin aqoontoodiiida ku
biyo shubatay macalinimo iyo kala taageerid dad ay ka aqoon badan
yihiin laakin nin laa u doobiyey.
gabgadii malaga yaaba in magaalooyinka gobolka Awdal lagu qabso in ay
iska soo sharaxaan beelahan reer sh.isxaaq oo wax waliba ku tijaabiyey
beesha Samaroon oo aan diidmaba lahayn.
Qalinkii ; Maxame munin
xaqdoor2020@gmail.com
