FankaWaxan dhawaan deeq lacageed oo gargaar ah gadhsiiyay gudiga dhismaha dhaqterka Degmada Lughaya qaar ka mida jaaliyadaha dibada

ee ka soo jeeda gobolada aan kor ku xusnay kuwaas oo xil iska saarey inay u guntadaan waxna u qabtaan baahiyaha xaga horumarka ee gobolada ay ka soo jeedaan iyo guud ahaanba degaanada ku xeeran,

 

Hadaba lacagtan ay dhawaan soo gaadhsiiyeen gudiga qaabilsan dhismahaa ayaa aad iyo aad uga mahadceliyaay sida ay u soo xuseen

una soo xasuusteen dadkan walalahood ah ee kala jooga daafaha dunida iyagoo sheegey ineyna wali dhamaan howsha dhaqtarku, lakiin ay lacagtani buuxinayso qeyb weyn oo ku dhaweyn karta inuu soo gabagaboobo dhawaan insha allaahu. Howsha muddada socotey ee lagu dhisayay dhaqterkaa oo loo qabo baahi weyn ayaa degmada iyo degaanka ku dhowba aanay gabi ahanba lahayn wax daryeel caafimaad ah, kana rajo sugaya walalahooda dibbada iyo gudahaba jooga iney la dhamays tiraan cisbitaalkaas.

Deeqdan lacagta ah oo dhaneyd 6720$ (lixkun todoba boqol iyo labatan, US Doller)

ayaa waxa soo gadhsiisey gudigan dhismaha dhaqterka wada

marwo XAAWA CABDI, oo ka mida hablaha degan LONDON UK.

iyadoo sheegtey iney lacagtan soo direen jaliyadaha iyo shaqsiyaad kala ah

1- 2070$ US Dollar, oo soo direen qaar ka mida dhalinyarada degen magalada ZURICH ee dalka SWITZERLAND. oo wakishey AADAN.

2-1800$ US Dollar, waxa soo direy YONIS CALI WACAYS oo degen MARAYKAN USA.

3-1500$ US Doller, waxa soo direy Hablaha degen HOLLAND oo wakiishey MAKKO YUSUF CADAAWE.

4-1000$ US Doller, waxa soo direy XASAN MUUSE oo degen DENMARK.

5-350$ US Doller, waxa soo direy qarka mida Hablaha degen LONDON,UK. oo wakiishey XAAWA CABDI.

 

Waxan hadaba halkan ugu mahad celinaynaa dhamaan dadkaa wax soo baxsadey illahna ha ugu daro miisanka xasanaadka

waxan rajaynaynaa walalaha kalena iney sidaas oo kale soo xasuustaan howsha dhaqterkan oo dhowdhow iyo bahiyaha kale ee jiraba.

GUUL iyo midnimo ayan idiin rajeynaynaa SALAMU CALYKUM WARAXMA.

BY, Ahmedyasin Adan. Zurich.