FankaDhamaan Umada muslimiinta meel walba oo ay Daafaha Duninada kaga noolyihiin,Umada reer somaliland Dal joog iyo dibad joog,Umada Gobolada Galbeedka Somaliland, Dhamaan Shacabka intii nala Dareen ah iyo Saxaafada sida saxda ah Dadka ugu adeegta ee Gobolada galbeedka somaliland waxa ku salamaya salaanta islaamka Asalaamucalaykum Waraxmatullaahi Tacaalaa Wabarakaatuhu

Haddii aan salaan guud intaa kaga gudbo oo aan u gundo dago gundhiga hadalkayga ama qoraalkayga waxa maqalkii iyo muuqii inay wax u dhimaan u dhaw saylac iyo hadal haynteeda .

Aniga oo qodobaynaya hadalkayga intii aan awodo waxan jeccelahay inaan wax yar ka taataabto dhawr qodob

1.Rag Waryiyaal iyo Qoraa isku tilmaamay : Haddii aan sii faafaahiyo waxa dhacday maalin dhawayd nin qoraa isku sheega sida aw isagu leeyahay ama cida qabiilka u adeegta ee beeshiisa ahi u taqaano oo magacsiisa lagu sheegay cali coomey ayaa website hadhwanaag lasoo fadhiistay wax aan runta nasab u ahayn saylac yemeniyiin ayaa ka talin jiray canfarbaa ka talisay nin habar yoonis ah ayaa mar kale ka taliyay ugu danbayn cise ayaa 11 kii ugaas ee u danbeeyay ee soo maray ay ahaayeen waa ninka hadalada noca ah sidii sabiga ku hadaaqaya waa nasiib daro dadka ninkaa qoraa u haysta waan ka xumahay waanan uga tacsiyadaynayaa umada intii dhagahooga ku dhagaystay anigoo naftayda ka bilaabaya waayo qofku marka uu qoraa yahay waxa haboon wax runta u nasab sheegta inuu sheego haddii awna sheegi karayn inuu ka aamuso ayaa u haboon wayo waxa uu ka hadlay wax marnaba xaqiiqda meelna raad kaga leh ma aha

Waxa iyadna wax laga xumaado ah yarkii Abuuhurayra la lahaa ee isna waraysiga ka qaadayay oo mararka qaar ku hadaqayay hadalo noocaas ah oo beenta iyo borobagaandaha u nasab sheegta taana waa meel ka dhac kale waxayna noo cadaynaysaa haddii aan nahay qawmiyada sharafta leh ee reer sh :Samaroon wali xataa ubadkii isaaq inayna ka korin sheekadii reer banii axmed ee barigii cisaha wax lagu qalday waayo waa niman dhalin yar ah waxa waxa ku hadaaqaya waxan kula talin lahaa inay si dagdaga uga waantoobaan waa haddii ay mustabalkooda nololeed aayo ka qabaan haddii kale waxay noqon doontaa shaabada mar walba iyo meel walba oo joogaan ku taala

2:Qodobka kale ee aan rabo inaan ka dhawaajiyo waxa weeyi xildhibaanadii cise ayaa is casilay diridhabana kala soo noqday go,aan horta waxa weeyi waxii is casilayaa wax naga saaran ma jirto haddii dhamaantood inta xil ka haysa saylac ama somaliland dhamaanteed ee cise ah is calilaan wax naga khuseeya ma jirto anaga hawlahayagu si habsami ku jirto ayay u socdaan mamulka saylacna waa shaqaynayaa hangaraaracna lug uma dhutiyo laakiin wali waxan la yaabanahay ragan cise ee ilaa maalintii illaa maanta la baryayo ee la sasabayo walaalayal nina kiisa biyo kama dhacayaan waana la is yaqaanaa somaliduna waxay ku maah maahdaa (nin soo joogso laga waayay soo jiifso ayaa laga heelaa) waayo nabad ayaa caano macaan nabadu haddii ay dan u noqon wayday beesha ciise Samaroona dan uma aha in mar walbana lanaga hadashiiyo ma karno walaalayaal anagoo dad sharaf le ah wayo in badan ayaan ixtiraamnay cise ama isaaq laakin ilaa maanta wa garan laayihiin waxan u ixtiraamayno haddii la is ixtiraami waayana wax la wada ixtiraamo ayaa la helaa maantana waan dareemi karaa waanan ogahay intii garashayda ah beesha cise waxa ka dhaadhacsan dawlad ayaad leedihiin oo jabuuti ayaa haddii jabhad la baxdiin ini caawin karta bal tijaabiya ayaa leehay besha cise in jabuuti ay wax idiin qabato iyo in si fican la isku barto anagu haddii an nahay qawmiyada samaroon dawlad na gacan qabata uma baahnin laakin dadkayaga ayaan ku kalsoonahay waxan u sheegayaa Qurbo joogaa Gobolada inan si fican Dadkeena iyo Dalkeena uga war hayno oo tako tako u wada socono maanta anaga ayaa dadkayaga u dawlada anaga ayaana doonistooda difaacayna haddii aan nahay qurbo joog waxan leehay sida ciwaanka ku xusan maqaalkan qurbo joogta Gobolada Gabilay ,Awdal iyo Selel ha ogaadeen inaan Doonistii Dadkeena nahay mar walba iyo meel walba oo ay joogaan

Guntii iyo Gabagabadii .

Waxan u sheegayaa Salaadiinta Gobolka iyo Shacabka qaybihisa kala duwan inaan Dadkena si fican oo aayaheena dhaw iyo ka dheer ka turjumaysa aan ugu tusmayno waxba yaan loo joojin gande diridhaba ka imanaya ama jabuuti ama duur oo hargaysa laga diray iyo wixii la halmaala danteenu waa mid Dadkaygiiyoo marna kala hadhi mayn waana xaaraan muqadaca inuu tafaraaruq ina soo kala dhax galo ama la inoo ka sheekeeyo Saylac illaa qofka u danbeeyaa inaga dhinto dadkii difaacda ayaan nahay waayo waa indhaheena nina haddii maanta la idhaahdo waan ku lixaad tiri oo indhaha ayaan kaa ridi ma ogola ee dhimasho ayuu ka xiga markaa inaguna saylac inta aan noolnahay dhimasho ayaan ka xignaa.

Waxa inoo Ballana Himilo iyo Hammi fog.

Waxa inoo Ballana Damac iyo Dareen fog.

Waxa inoo Ballana Horumar iyo Hiigsi fog.

Wabillaahi Tawfiiq.

Mohamed Mahamoud Shirdoon.