Tababaraha Kooxda Kubada cagta Tottenham Hotspur Andres-Villas-Boas ayaa u sheegay xiriirka FA-ga in xidigiisa Gareth Bale uu mudan yahay in loo magacaabo xidiga ugu wanaagsan horyaalka ingiriiska sanadka 2013-ka.

 

23-Jirkaan heerka caalami ee xulka Wales ayaa mas’uul ka noqday in Tottenham ay soo tiigsato kaalinta 3-aad ee horyaalka ingiriiska.

 

Sidoo kale Robin Van Persie oo ah hogaamiyaha goaldhalinta horyaalka ingiriiska ayaa isna ah musharax kale oo ka tirsan xidiga ku guuleysan kara horyaalka ingiriiska.

 

Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayuu noqday xidiga ugu wanaagsan horyaalka ingiriiska waxaana sidoo kale liiska ku Jira Michu oo ah hogaamiyaha Swansea iyo sidoo kale kubad sameeyaha kooxda Blues Juan Manuel Mata, waxaana xidig kale oo saameyntiisa wata waana Luis Suarez.

Michu | Swansea CityMichu-Swansea_2817100

Qiimahiisa ayaa ah £2million waxaana Swansea ay kazoo iibsatay kooxda Rayo Vallecano ee horyaalka spain, waxaana xidigaan uu dhaliyay 15-goal, 25-kulan oo uu u saftay kooxdiisa Swansea, Kubad sameeyahaan isku badalay goaldhaliyaha ayaa kooxdiisa u suura galiyay guushii weyneyd ee ay ka gaareen kooxda Bradford koobka League Cup-ka.

 Juan Mata | Chelsea

Mata

 

24-jirkaan xulka spain ayaa isna ah xubin kale oo muhiim ah waana xidiga ugu muhiimsan kooxda Chelsea ahna xidiga kala wada kooxda. Juan Mata ayaa sameeyay 17- kubad oo goal noqday, waxaana uu ku fashilmay inuu goalhaye can baxay ka dhigo Torres oo abaaro ay halakeeyeen.

Juan Mata waa shaqsiga ugu dagan uguna shaqada badan xidigahaan waana mid ka mid ah kubad sameeyayaasha laga qiimeeyo qaarada yurub.

 

Luis Suarez | Liverpoolsuarez_2400409b

 

Wiilka Kooxda Liverpool ee reer Uruguay Luis Suarez ayaa isna ah wiil ku dhaw Robin Van Persie dhanka goolasha wuxuuna leeyahay 17-goal, inkastoo kooxdiisu ay ku jirto kaalmaha hoose hadana waa xidig aan indhaha laga qarsan Karin.

 

Robin van Persie | Manchester United

 Robin_van_Persie_2326985b

 

Arsenal ayuu ka yimid waxaana xidigaan heerka caalami ee xulka Holland uu xili ciyaaredkaan yimid Old Trafford waxaana uu dhaliyay 19-goal horyaalka ingiriiska waana hogaamiyaha goaldhalinta ingiriiska, RVP ayaa ah xidiga indhaha u noqday united oo hogaanka horyaalka ku raaxeysaneysa 12-dhibcood oo ay ka koreyso Difaacdayaasha City.

 

Gareth Bale | Tottenham Hotspur

West Ham United v Tottenham Hotspur - Premier League

 

source ogaal