FankaAan Ku Bilaabe In Badan bay Bulshadu Wargeysyada Iyo Baraha Internet-ka Ku arkaysay Dhaliilaha Siyaasada Madaxwayne Siilaanyo ilaa xiligii uu mucaaradka ahaa, Waxa Jira Culayso Siyaasaded oo Qaranka Gudo iyo Dibad-ba soo wajahay, Balse ilaa hadda dadka Qaar baad moodaa Inay ka indha saaban yihiin iyadoo ay taa ku kalifayso Dano Gaara iyo Qabyaalada oo ah Cudur aad dadkeena ugu faafay Xaqa iyo Runta In qofku sheegana u diida.

Waxad Arkayseen CEEBTA ka Taagan SAYLAC waa markii Koobaad ee Intaan Siyaasada Somaliland So Dhex Socday an arko QABIIL intay Shiraan Xildhibaanadoodu is wada Casilaan Waxanan Xan Ku Maqlaya In Kuwooda Golayaasha ku Jiraana ay iyaguna Is Casili raban, haday dhacdo taasina wa Qaran Jab Buura eedeeda iyo xumaanta ka dhalatana waxa dusha u ridanaya Madaxwayne Siilaanyo. Anigu Odhan Maayo madaxwayne Ku Xigeenka ka danbeeya Iyo Wasiirba wax qalday . Arintaasi wa Arin Dhaawac ku ah Qaranimadeena wa arin Nusqaan ku Ah Wadinayada Wa arin ceeb ku ah Dimuquraadiyada , Arinta Noocan oo kale ahi maaha wax la dhayal san karo waxa ku xigta in beelahu isku daydan oo cidi wax diidaabaa ay Qaranka Iska casisho micnuhuna waxa uu yahay QARANIMADII waanu ka Baxnay ama Heshiiskii Wadaninimo ee ino dhexeeyay ma jirayo , waa arin dhaawac ku ah Siyaasada Somaliland ee aynu Ognahay Intii Madaxwayne Siilaanyo Joogay dhaawacyada Tiro beelka ah ee soo gaadhay ,

Arintan Waxa kalifay Doorashadii lakin waa Arimo Deegaan Marka runta laga hadlo Waxaynu Ognahay Intii Somalilander ka ahayd ee Inakaga dhimatay KALSHAALE , Kalshaale kama duwana Saylac sababto Masaladu deegaan bay ka timi la kala sheeganayo oo anaka leh iyo anaka leh bay ku bilaabantay , wixi ka dhacayna waynu Ogayn aakhirkiina siday isu badashay iyo cidi ka faaidaysatayba waynu ogayn . Walow Arinta Saylac Doorasho ku timi hadana Waxa meesha yaala wa arin deegaan waxa is hayaana wa qabiiladii deegaanka wada laha wana mid u baahan In Dhaqan Iyo Siyaasad Lagu daaweeyo, Qarankani Awood uma hayo In Saylac arinteedu isu badasho Dagaal iyo Xumaan. Waxan aad u dhaliilaya Siyaasada Arimaha Gudaha oo aan Aminsanahay In ay gacanta u gashay cid an maamuli Karin , sababo badan awadeed , Waxa Arinta SAYLAC ka jirta iyo qaar kale oo badan oo dalka ah baa an odhan kara wa nin ku fashilmay xalinteeda , Waxabad Mooda in Shaqadiisi uu ku ilaaway Hambalyayn XAMAR iyo howlo kale . Arinta Saylac hadan uso noqdo Wasiirku siday ku haboonayd mu yeelin ban odhan kara hadii uu si saxa yeelanayna manta Qaran jabkani mu dhaceen ku manu fashilmeen ceebteedana isaga leh Xukuumadiisuna way la qabta. Waxan Inta Ku Dari laha Oo aan Ugu baaqaya XISBIGA mucaaradka ah ee UCID iyo Ururadii Siyaasiga aha ee hadhay Sida Xaqsoor Ururada Maxaliga In aan Qarankan Cida Howlihiisa Gacmaha ku haysa aan looga hadhin ee laga warhayo lagana Qayb Qaato ilaalintiisa iyo wax kasta oo hadimo Ino Horseedaya ,

Si Gaara Waxan Iyagana u Dhaliilaya madax dhaqameed ka oo aad moodo Inay Howlaha So galan oo qudha marka Dhibaatadu balaadhato, Waxan leeyahay Madaxdhaqamedku Ha Kaco howshana ha galaan oo yaan lagu halayn Nimanka an odhankaro Siyaasada Sedex Sano Gudahood bay Ku fashilmeen. Iyagoo shan joogana daaba hadalkeeda, Bulshada Rayid ka ah Intooda Qoraalka Iyo Akhriska Taqaana waxan leeyahay War Qaranka Qalinka halagu badbaadiyo GUULWADAYAASHA fara badan ee saxaafada ku milmayna ha layska Qabto Qaar badan baanu ognahay oo laga maalgaliyo meelo khaasa lona adeegsado dano gaara , Qalinku wax ha toosiyo ayan odhan laha Bulshada Midaynteeda iyo Horumarkana ha laga shaqeeyo ,

Hadalka oo batay awadii waxan kuso gabagabaynaya War bal Inaka Lafteenu aynu Dib Isugu Noqono howlaha socda gudo iyo dibadba maaha wax hada so bilaabmay anigu in badan ba wan shakisana ILA Barigii SIILAANYO la kulmay Donald M. Payne oo aha Senator Maraykana aminsanana Qadiyad odhanaysa Somali wixi la odhan jiray halagu celiyo States ama Siyaasad Gobolo ah oo halo dhiso dowlad federal ah waana mid manta muuqata oo an cidna ka qarsoonay Siyaasada cusub ee maraykankuna maba aha mid layno qariye wad arkayseen wixi madaxdoodu ku hadlaysay ee arimaha Somalia ku saabsana . Senator Donald Payne wuxu ka mid aha gudiga arimaha dibada ee Congress ka Waxanu casuumay Dowladii Ku meel gadh ka ahayd ee xiliga iyo Somaliland iyo puntland arintaasi waxay ahayd mid dadka Iyo Xukuumadii Xiligaasiba ay ka biyo diideen miiska inay yimaadana ay dideen ta badalkeedii wuxu casuumay dhanka Somaliland oo la kulmay madaxwaynaha Hada talada haya ee Axmed siilaanyo . ma jecli inan hadalka kusi Fogado wanad ka warhaysan Halka Qadiyada Somaliland manta caalamka ka marayso .

Waxan leeyahay Dadku Qalinka ha Qaatan hana is baraarujiyan hana taxadiraan Gudo Iyo Dibadba Arinta Saylac na si qaranimo ku jirto oo xagxagasho qabyaalad ahayn xal halooga gaadho wixi inta an ahayni ceeb bay keenayan wana inaku dhawac –

By Mohamed Ahmed

Hargeisa / Somaliland