breaking-newsWararkii ugu danbeeyay dagaalkii galabta ka qarxay duleedka magaalada Xariirad ayaa waxa ay sheegayaan in uu goor dhawayd yara qaboobay ka dib markii uu gabalku dhacay waxaana la sheegayaa in ilaa haatan khasaaraha dagaalkaas ka dhashay uu marayo dhimashada Hal qof oo dhinaca Beesha Reer Dudub (Gababuursi) kaas oo magaciisa la yidhaahdo Mujaahid Farxaan Axmed Cigeh Dhidar.

Allaha u naxariistee mujaahidkan ku geeriyooday dagaalkan galabta ka dhacay duleedka Degmada Xariirad ayaa sida goobjoogayaal ku sugan magaalada Xariirad ay Cadceed.com u xaqiijiyeen in uu ka mid ahaa gurmad oo goor sii danbaysay oo galabta ka baxay magaalada ,halkaas oo si gaadmo ah ay meel ugu galeen gurmadkan oo marxuumka ku dhintay ka mid ahaa halkaasna ku shahiiday

Dhanka kale waxaa ilaa haatan socda gurmad ciidan oo labada dhinac u kala tagaya kuwaas oo ciidamada labada beelood Reer Dudub(Gadabuursi) Iyo Reer Geedi (Ciise) ay isku jiraan meel ili qabatay ah kaas oo la fili karo daqiiqad kasta iyo waqti kasta in dagaal cusub uu dhexmaro labadan dhinac.

Sidoo kale illo wareedyo xogogaal ah oo aan ka helayno magaalada Saylac ayaa sheegaya in magaalada Saylac dhexdeeda laga dareemayo cabsi xoog leh oo dadka deegaanku ka cabsi qabaan in dagaalku saameeyo oo ay ka dhex bilaabato magaalda.

Waxaa iyadna la soo sheegayaa in goor dhaw ay ka anbabaxeen magaalada Saylac taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Selel iyo tiro ciidama ah kuwaas oo ku sii jeeda goobta ay shaqaaqadu ka dhacday xiligan.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo imika xukuumada Somaliland ayaan ka hadlin shaqaaqadan dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, mana jirto wax gurmad ciidan oo deegaanka la keenay si loo baajiyo colaad ka dhex qaraxda deegaankaas.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Subulahanews  insha allah

SUBULAHANEWS DESK.