hhhhhRaysal wasaaraha Dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan iyo dhigiisa Giriiga, Antonis Samaras ayaa ka wada hadlay Xidhiidhka labada dal, La-dagaalanka Argagixisada iyo qulqulka Muhaajiriinta somalida ee sida sharci darada ah isaga gudbo labada dal. 

Kulankaasi oo ka dhacay Magaaladda Istanbuul ee Dalka Turkiga, ayaa waxay Hogaamiyayaashu diirada ku saareen sidii wax looga qaban lahaa safarka is-xambaarka ah ee Muhaajiriinta Soomaalida ubadaan iyo kuwa kale looga talaabiyo Badda Aegean Sea ee u dhexeysa labada dal si ay ugu sii gudbaan dhinaca wadamada yurub ayagoo sii dhexmara wadanka Giriiga oo ay ka gudbiyaan dad si hoose ugu sara oo kumanan lacaga ka qaata dadkam muhaajiriintaa, 

Si kasataba ha ahaatee, kulanka labada Hogaamiye ayaa ku soo beegmaya Xilli ay boqolaal Muhaajiriin u badan Soomaali ku sugan yihiin Dalka Turkiga si ay uga sii tahriibaan Dalalka kale ee Yurubta, iyadoo ku sii hakanaaya Dalka Giriiga siina dhexmara Giriiga.

 

SUBULAHANEWS DESK.