gGolaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka doodaya cuna qabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya muddada ka badan labaatanka sano.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb gelaya 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha amaanka, ajandaha ugu muhiimsan ayaa noqonaya in xubnaha golaha ammaanku cod u qaadi doonaan in xayiraada hubka ah laga qaado dalka Somaliya iyo in kale .

Dowlada Maraykanka ayaa taageersan in laga qaado cunoqabataynta hubka, iyada oo u dacal-saaraysa sidii dowlada Soomaaliya ay awood ugu yeelan lahayd inay ka hortagto ururka Alshabaab ee xiriirka la leh ururka weynaha Alqaaccida, balse waxa jira dawladdo ay kamid yihiin Faransiiska iyo Ingiriiska oo aan xilligan ku niyadsamayn ka qaadista cunaqabateynta ee dalka Somaliya.

Geesta kale, maamulada ka jira meelaha aanay xukuumadu xukumin ayaa maalmihii waxa ka soo baxayey baaqyo ay kaga soo jeedaan in la qaado cunaqabateynta. Halka ururka Amnesty Internation ee u dooda xuquuqda bani’aadamka uu isna maalintii shalay warbaahinta usoo gudbiyey walaac uu ka muujiyey ka qaadista cunaqabateyna hubka ee Somaliya

Ugu dambayntii, waxa loo dhegtaagaa waa go’aanka ay golaha amaanku maanta ka gaadhaan codsiga ay dawlada Soomaaliya u gudbisay goor horay golahaa, kaas oo ay kaga codsatay in xayiraada hubka laga qaado si ay awood ugu yeelato in dalka Soomaaliya uu u noqdo dal isku filan oo ilaashado xuduudihiisa.

 

 

SUBULAHANEWS DESK.