jmlMusharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in kor u kaca Sicirka Shidaalka Naaftadu saamayn nololeed ku yeeshay bulshada Somaliland, waxaanu ku taliyay in wax laga qabto isbed-bedelka Qiimaha maceeshada iyo Shidaalka. 

Jamaal Cali Xuseen oo xalay soo saaray Warsaxaafadeed uu kaga hadlay sida uu sicir bararka shidaalku u sameeyay bulshada iyo aragtidiisa la xidhiidha qaabka loo maarayn karo, ayaa sidoo kale xukuumadda talooyin arintaasi ku saabsan u soo jeediyay, kuna taliyay in meel lagu tiiriyo dacwada Shirkadii Total ee ay Xukuumada talada haysaa ka wareejisay Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera. 

Waxaanu Jamaal Cali Xuseen Qoraalkiisa ku bilaabay sidan:- 

“Beryahan u danbeeyay waxa jira in shidaalkii aad u qaalli garoobay. Gaadiidleydii waddankuna qiimihii ayeey sare u kicisay sida basaska oo ay badiba shacabka reer Somaliland raacaan. Marka uu shidaalku kaco dhamaan maceeshaddii waddanka oo dhan baa sare u kacda. Haddaba koradhkaa ka soo bilaabmay shidaalka ee saameeyey dhamaan wax walba oo nolosha daruuri ugu ah shacabka reer Somaliland waxaa si weyn looga dareemay dalkoo idil. Waxaan ka akhristay qaar ka mid ah wargeysyadda dalka in maalmihii ugu dambeeyay Haamaha Berbera qiimaha foostada Naaftada lagu daray lacag dhan $25, taasoo aan la garanayn asbaabta qiimaha intaa leeg loogu daray sicirkii Naaftada. Waxa kale oo laga wadda dheregsan yahay in halkii liter uu ku dhowaad 8,000 (Somaliland shilling) uu gaadhay imika marka la barbar dhigo halkuu markuu xilka qabtay Xisbiga Kulmiye 2010kii uu ka ahaa 4,700 (Somaliland shilling). 

Dawladda Kulmiye markii ay talladda qabsatayba waxay weerar ka baxsan nidaamka ganacsi durbaddiiba ku qaaday shirakaddii TOTAL ee Haamaha ee muddada tiradda badan soo maamulaysay shidaalka waddanka. Waxay markiiba la wareegtay shidaalkii haamaha, iyo lacagtii iyo agabkii halkaasi dhex yaallay. Taasina waxay sababtay in imika maxkamad Caalamiyi ay magaaladda Paris ee waddanka Faransiiska kaga socoto xukuumadda Somaliland ee uu gadh wadeenka ka yahay xisbiga Kulmiye. Xukuumaddu waxay balan qaaday inay sameyn doonto tartan ay geli doonaan shirkaddaha waddaniga ah uuna noqon doono mid si cadaalad shirkaddii tartanka ku guuleysata loo siin doono iyadoo loo eegaynin qabyaalad iyo nin jeclaysi. Ilaa hadda kama hayno xukuumadda tartankii loogu tartamaayey Haamaha Berbera waxaana ka soo wareegtay muddo laba sanno ah markii TOTAL laga faramaroojiyey. Waxaana meeshii ka dhacay; “Ka dar oo dibi dhal” 

Maxay ahayd fikraddii ka danbeeysay in TOTAL la siiyo inay maamusho haamihii Berbera? Inay shidaal tayo leh oo qiimo macquul ah ku keento ka sokow, waxa ay labaddii xukuumaddood ee ta imika jirta ka horeeyay ay rumeysnaayeen in maalgeliyayaashu ku soo dhiiradaan Somaliland si ay dadkeena ugu sameeyaan shaqo abuuris marka ay arkaan tusaallaha TOTAL. Taasaaan aniguna ku raacsanahay xukuumaddahii hore oo lahaa “vision” ama aragti fog. Waxaa ah mid laga jidhiidhicoodo in shirakaddii qudha ahayd ee aynu ku faani lahayn ay maanta inagii dacwad inagu soo oogtay sidii looga qaaday haamaha Berebera, maantana ay shiradihii kale caalamku ay arkayaan “isha Cali ka laalaada!” oo aanay marnaba inagu soo dhiiraneynin. 

Haddaba iyaddoo uu xisbiga tallada haya ee Kulmiye ku muusanaabi jiray balanqaadyo balaadhan, dawaladdii xisbiga UDUBna ku eedeyn jiray maamul xumo marka lagu daro tan haamaha, marnaba lagama fileeynin in xaallada sii kharibaan.Waxaanan kula tallinayaa in ay saxaan qaladaadka shirakadahaasi ay ku siinayaan kootadda, mida kalena aanay yareeysan kiiska dawallada Somaliland kaga socda waddanka Faransiiska ee la xidhiidha sifihii loo maray in laga qaado contratka shirakadda TOTAL oo ay shirakaddu ku tilmaamtay mid sharci daro ahaa oo ay weliba kula dul kufeen, boob caddaana oo aan geedna loogu soo gaban waa sida ay hadalka u dhigeen shirkadda TOTAL. waxaan tallo ku soo jeedin lahaa. In Marka hore shirakaddii TOTAL kiiskeedii meel lagu tiiriyo, in dadku u tartamaan qandaraaska haamaha Berbera dawladuna ay shuruuddo ay ku soo xidho shirakaddaha keenaya si aanay markasta sicirka iskaga kordhin. In lala socdo sicirka adduunka ee shidaalka, mar walbana laga sii gaashaanto iyaddoo la isticmaalayo (Hedging strategy). In la sameeyo guddi dhaqaalayahan ah oo dawladda kala talisa arimaha shidaalka, maadaama uu shidaalku yahay ka ay wax walba ku sargo’an yihiin. Tusaalle waxaaba kuugu filan hadalhaynta in sicirkii laydha la kordhinaayo. Arrinkan yaan la dhayalsan”.Ayuu yidhi.

 

 

SUBULAHANEWS DESK.