kalMadaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa muujiyey dareenka suugaantu ku leedahay sheegista dhaliilaha iyo sida ay fannaaniintu uga bartilmaameedsan yihiin sheegista gol-daloolooyinka maamul ee jira. 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dareemay erayada mucaaradada qaar ka mid ah fannaaniinta dalkiisa, ayaa si gaar ah ugu jawaabay fannaanka da’da yare e Cawaale Aadan oo Erayo suugaan ah ku dhaliilay maamulkiisa oo uu ku eedeeyey inuu ku shubtay doorashadii dalkaas ka qabsoontay todobaad ka hor. 

Madaxweynaha oo ka hadlayey sida ay u dhacday doorashaddii ka qabsoomatay Jabuuti, ayaa baaq talo iyo tusaale ah u jeediyey fannaanka, “Cawaale Aadan waa wiil-yar oo ka tirsan fannaaniinta qaranka Jabuuti, laakiin waxaa loo baahan yahay inuu maro waddada fannaaninta ka waaweyn ee dalka jooga Waxa loo baahanyahay in aanu fannaanku wax mucaaridin ee uu bulshadda wanaagga iyo khayrka la daba joogo oo uu toosiyo wixii shacabka dhibaatadda ku keenaya, Laakiin haddii uu la soo baxo mucaaridnimo aan waxba tarayn bulshada, taasi waxaan u malaynayaa in aanay mustaqbalkiisa meel gaadhsiinayn,”ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele 
waxaanu intaasi sii raaciyey Madaxweynuhu hadalkiisii,“Marka waxaa fannaanka looga baahanyahay inuu ka shaqeeyo maslaxadda dalka iyo dadka, dawladda Jabuuti-na fannaaniinta xushmad weyn bay u haysaa meel kasta oo ay dunida ka joogaan” Ayuu Yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

 

SUBULAHANEWS DESK.