hugo_chaves.7jpgMadaxweynihii wadanka Venezuela Hugo Chaves oo da’diisu aheyd 58 sano jir ayaa caawa ku geeridey caasimada wadankaasi ee Caracas isagoo la ildarnaa mudooyinkii ugu dambeeyey cudurka Cansar-ka.

Hugo Chaves waxaa geeridiisa goor dhaweyd shacabka wadankaasi u xaqiijiyey Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi  Nicolas Maduro oo isagoo qamuunyo ka muuqato ka hadley telefishinka qaranka.

Mr Chaves oo xukunka Venezuala qabtey sanadkii 1998-kii waxaa lagu xusuustaa in siyaasad adag oo uu wadankaasi ku hogaamiyey, isagoo si weyn u mucaaradsanaa siyaasada wadanka Mareykanka ee dunida ku wajahan, waxaana uu xiriir la lahaa wadamada ay iska soo horjeedaan Mareykanka.

Cudurka Kansarka ee haleey Hugo Chaves waxaa la isku dayey in laga daaweeyo iyadoo mudo dhawr jeer ah daaweyn caafimaad loogu qaadey wadanka Cuba isagoo dhawaan laga keenay dalkaasi laakiin ilaa iyo bishii February il iyo baar lama saarin, taasi oo muujisay shaki xoogan oo ku aadan in caafimaadkiisu aanu aheyn mid hagaagsan.

Eedeymo ka soo baxay taageerayaasha Hugo Chaves waxay ku doodayaan in cudurka Kansarka ee uu u geeriyooday ay qaadsiiyeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo doonayey in ay qaarajiyaan ninkan oo si weyn uga soo horjeeday danaha Mareykanka.

SUBULAHANEWS DESK.