imagesWaxaa goordhawayd laga soo sheegayaa magaalada Xariirad ee ka tirsan degmada Zaylac dagaal culus oo dhawaqa rasaasta si xoogan looga dareemay deegaanada ku xeeran Xariirad, dagaalkani ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu u dhaxeeyo Qolyihii gacanku dhiiglayaasha ahaa ee ka soo jeeday Beesha Ciise iyo Ciidamada amaanka ee Somaliland balse ilaa haatan inta la ogyahay lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inkasta oo laga cabsi qabo in uu sii xoogaysto.

Maanta waxaa loogu sameeyay aas qaran marxuum Faarax Axmed Cige oo ku shihiiday maalintii shalay ahayd deegaanka Xariirad, markii laga soo dareeray geeridii ayaa waxaa la sheegaayay in ay beeshii Marxuumka shihiiday laga dilay inay ku jiraan sidii ay uga soo aarsan lahaayeen nimanka nabaddiidaka ah ee ay hogaaminayaan niman ka tirsan 10kii iska casilay golaha deegaanka Lughaya iyo Zaylac oo uu hogaaminaayo Mr. Geesh oo la sheegay in uu ahaa ninkii ka danbeeyay dilka Marxuumka.

Geesta kale iyada oo ay haatan deegaankaasi noqday goob colaadeed ayaa waxaa iyaguna iska daba imanaaya Ciidamada kaladuwan ee xukuumada Somaliland ka socda kuwaasi oo uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa iyaguna dhinacooda ku dadaalaaya sidii ay u soo afmeeri lahaayeen Colaadaasi, ilaahaatana ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegaayo.

Waxaananu idiin sheegaynaa hadii ilaahay idmo in aau idiinsoo gudbin doono waraka u danbeeyay ee dagaalkaasi.

BY:WARIYE YOONIS ELMI MIGANE

SUBULAHANEWS.COM

XARIIRAD.