codadkaKenyasandhuukh1-Guddiga doorashada ee dalka Kenya IEBK ayaa warsaxaafadeed ay maanta (Arbaca) qabteen ku codsadey in dadku dulqaad muujiyaan, waxaana ay sheegeen in dhibaato badan ka raacdey qalabkii Elektoornikada ahaa ee tirinaayaye codadka, Guddiga ayaa sheegay in ay isku raaceen in codadka oo dhan dib lo tiriyo gacantana lagu tirinaayo laguna soo xereeyo xarunta dhexe ee Guddiga Doorashada, Waxaa jira warar aad la isula dhexmaraayo kaas oo sheegaya in qalabkii Elektroonikada ku shaqeynayey iyo barnaamijkii (Software) xisaabinayey la Hack gareeyey ama la jabsadey isla markaana la isku dhex yaaciyey, taas oo guddiga ku laiftey in codadka gacanta lagu tiriyo.

Dood xoogleh ayaa ka taagan codbixintii Kenya, kadib markii qeybo kamid degmooyinka cododka badan laga dhiibtay la sheegay in cododkaasi qaar badan oo kamid ah ay khaldameen.

Degmada Kisumu ayaa kamid ah goobaha dooda weyn ay ka taagan tahay, halkaasi oo uu taageero xoogleh ku leeyahay Raysalwasaaraha xilka haya Raila Odinga. Degmada Kisumu ayaa la sheegay in kumnaan kamid ah cododkii shacabka la diiday kadib markii la sheegay inay khaldameen, arrintan ayey si weyn uga soo horjeedaan xisbiga Odinga ee ODM.

Kisumu ayaa kamid ah goobihii doorashooyinkii hore ee 2007 ay dagaalada xoogaleh ku dhexmareen qabaa’ilka dalka Kenya dega.

Codbixinta ayaa illaa iyo hada waxaa ku horeeya Raysalwasaare kuxigeenka ahna Hogaamiyaha Isbaheysiga Jubilee (TNA) Uhuru Kenyatta oo codod badan ka helay inta badan gobalada dalka Kenya.

Dooda ka taagan cododka khaldamay ayaa laga cabsi qabaa inay keento in wareeg labaad oo doorashada ah la qabto, maadamaa la sheegay in cododka khaldamay inay aad ubadan yihiin saameyna ay ku yeelan karto cododka ay kala heystaan labada musharaxa ee ugu horeeya tartanka, waa Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

 

SUBULAHANEWS DESK.