saylacv“Waxay Ahaayeen Nimanka Jidka Noo Galay Tolkay, Waxayna Lahaayeen Nin Buu Sidaa, Reer Abtigayna Waxay Lahaayeen Nin Buu Keeni Layahay, 5 Saacadood Ka Dib Ayay Na Soo Daayeen” Cabdillaahi Qulu-Jeed

Subulahanews(Saylac)Badhasaabka gobolka Selel Cabdillaahi Qulujeed oo isaga iyo wafti uu hogaaminayo ay doraad koox dablay ahi ay jid-goyan ugu galeen deegaanka Xariirad, isla markaana u qafaasheen deegaanada ka baxsan magaalada Xariirad, ayaa xoriyadiisii loo soo celiyay shalay, kaas oo tilmaamay in maleeshiyada afdubtay ay ka soo jeedeen deegaankaasi.

Badhasaabka gobolka Selel Cabdillaahi Qulujeed oo shalay wargeyska Haatuf khadka Telephoneka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan degmada Xariirad, ayaa sidoo kale sheegay in ninkii maalintii doraad ku dhintay iska horimaadkii ka dhacay deegaanka Xariirad la aasay, isla markaana hada xaaladu degan tahay. Ugu horayn Badhasaabka Selel isaga oo ka hadlaya afduubka loogu gaystay deegaanka Xariirad ayaa waxa uu yidhi “Horta nimanka dhexda noo galay waxay ahaayeen niman Tolkay ah oo beeshayada ka soo jeeda, Tolkayna waxay lahaayeen nin buu siddaa, reer Abtigayna waxay lahaayeen nin buu keeni waayay degmada Xariirad, intaa ka dib muddo shan saacadood ah ah ka dib ayay na soo daayeen, wakhtigan xaadirka ahna waxaan ku suganahay degmada Xariirad” Badhasaabka gobolka Selel Cabdillaahi Qulujeed oo aanu waydiinay ninka ay doonayeen maleeshiyad afduubtay, oo la sheegay inuu ahaa maayar ku xigeenka degmada Saylac, waxa uu yidhi “Haa maayar ku xigeenka Saylac ayuu ahaa ninkay lahaayeen wuu la socdaa”

Badhasaabka oo aanu wax ka waydiinay iska horimaadkii doraad ka dhacay Xariirad ee qof ku dhintay iyo sida ay xaaladu hada tahay waxa u yidhi “Ninkii dhintay waa la aasay, imikana xaaladu way degan tahay oo wax xiisad ahi wakhtigan xaadirka ah kama aloosna degmada Xariirad”

source haatuf