Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo madaxweynahana uu markii uusoo degay kadib salaan sharaf gudaha garoonka diyaaradaha kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ahaa Ra’isulwasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Eng Axmed Macalin Fiqi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Ra’isulwasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo garoonka diyaaradaha kula hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in wadahadalladii ka dhacay magaalada Doha ay ku dhamaadeen guul islamarkaana ay Dowladda Qatar ka qeyb qaadan doonto hirgelinta mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya ka soconaya.

Socdaal qaatay mudo Laba cisho ah islamarkaana guul kusoo idlaaday ayay wafdiga Madaxweynaha waxa ay ku joogeen dalka Qatar ayadoo Madaxweynahana uu halkaasi kula kulmay Amiirka Dalka Qatar oo markii horeba casuumaad rasmi ah u fidiyey waxaana socdaalka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa uu qeyb ka yahay wanaajinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale.       IMG_4029 IMG_40041 IMG_40021 IMG_4041 IMG_4040 IMG_4037 IMG_4028 IMG_4019 IMG_4011