imagesMaanta marka ay qabtaan xaalada ay ku sugantahay magaalada Xariirad waa ay ka duwantahay maalmihii lasoo dhaafay iyo sidii ay awal ahayd, waxaanad marka aad ku sugan tahay magaalada Xariirad aad arkaysaa dadweyne aad u tugan kuwaasi oo u badan dadka deegaankaasi u dhashay una badan ee ka soo jeeda Beelaha Gadabuursi iyo Ciidamada dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Iyada oo xaalku sidaasi yahay maalintii shalay iyo maantana waa lakala garan karaa faraqa u dhaxeeya magaalada Xariirad, dadka deegaanka maaha kuwa ku faraxsan xaalada ay maanta ku jirto magaalada Xariirad inkasta oo ay jecelyihiin inay ka soo aarsadaan Maleeshiyadii gacanku dhiiglayaasha ee ka soo jeeda Beesha Ciise oo iyagu ah kuwa haatani ku dhuumaalaysanaaya inta u dhaxaysa xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kalena aanay u suurta galin dadkii laga dilay Marxuumka in ay galaan dagaal ay ku soo aarsadaan oo ay ku qaadaan dadkii dilka gaadmada ah u geystay marxuumka, islamarkaasina ay ka horjoogaan Ciidamada Somaliland oo ku qancinaysa inay sugaan inta nimankaasi budhcada ah ee gacankudhiiglayaasha ah ay soo qabanayso.

Sikastaba ha ahaatee xaalka maanta magaalada Xariirad ay ku sugantahay waa xaal ka duwan sidii ay ahayd maalmihii aan soo dhaafnay, waxaana ay haatani Gacanku dhiiglayaashii u carareen meel aanay cidi ogayn balse ay ciidamada Somaliland ay haatani baadi goobayaan ayna sheegeen inay baacsan doonaan hadii ilaahay idmo.

SUBULAHANEWS DESK.