DSC06401Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Saaka Qaaday Saddex orod Yahan oo Ka Qayb Gali Doono tartan lagu Qabanaayo jabuuti saddex dan ciyaartooy oo ah ciyaartooyda heerka kowaad ee oradada somaliland ayaa waxaa la rajaynayaa inay ka qayb galaan madama oo ay soo marti qaaday dawlada jabuuti.

saddexdan ciyaar yahan oo saaka laga amba bixinaayay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa waxaa ugu horey ujeedada ka war bixiyay faah faahin koobana warbaahinta ka siiyay agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane mustafe(qodax) waxaana uu yidhi “Aad Ayaanu Ugu faraxsanahay inaanu ka Qayb Galayno Tartanka Half-maratoonka Ah Ee ka dhacaaya magaalada jabuuti oo aan xasuusanahay inaanu 2011 ilaa 2012 anu ka qayb galnay.

sanadkana uu noqonaayo saddexaad waxaad moodaa inuu joogto noqday orodkaasi oo intii ay jirtay xukumada madax-weyne silanyo ay suuro gashay inaynu tartamada caynkaas ah ee dibada ah ka qaybgalno.

runtii jabuuti caan ayaynu ka nahay inkasta oo aynaan wali natiijo fiican ka keenin lakin horun mar ayaynu samaynaynaa wanaanu ku rajo weynahay inaanu natiijo fiican ka keeno insha allah waxaanu saaka halkan ku sabootiyaynaa oo aanu ku anba baxinaynaa una ducaynaynaa inay insha allah guul ka keenaan laba orod yahan iyo macalinkoodi iyo halwadeen wasaarada ka tirsan

inkastoo ciyaartooyga saddexaad uu ku sii suganyahay goobta laga anba baxaayo waxaan ilahay ka rajaynaynaa inay soo noqdan iyaga oo natiijo fiican wada waananu u ducaynaynaa” sidaas ayaa uu yidhi agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mud. mustafe (qodax)

Magacyada saddexda Ciyartooy ee ka qayb gali doona waa

Axmed Koosaar Xuseen

Jimcaale Axmed jibriil

Xariir Carab Yuusuf

 

SUBULAHANEWS DESK.