ka;aywasiirka warshadaha  Somaliland Cabdirisaaq Cali  Cismaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  in la qabtay markab ganacsatada Somaliland u siday biro iskaraab ah oo dalka laga dhoofinayey.

Wasiirka warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan oo maanta warbaahinta kula haddlayey magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay qoreen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Hargeysa kaas oo sheegayey inuu madaxweynuhu amar ku bixiyey in la qabto markab biraha iskaraabka ah u siday  ganacsato reer Somaliland.

Wasiirka warshadaha Somaliland waxa hadaladisii ka mid ahaa  “warka ku soo baxay warbaahinta ee sheegaya in la qabtay markab ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ahi waxba kama jiraan, xukuumaduna waxay  hore u joojisay in wax biro ah laga saaro dalka, kuwaas oo loo dhoofinayo wadamo kale, laakiin waxa jira biro ay si gaara uga cawdeen shaqaalaha dawladu kuwaas oo aanu  u samaynay meelo gaara oo lagu kaydiyo, guud ahaana xukuumadu waxay ku guulaysatay inay joojiso biraha dalka dibada looga saarayo ee sharci darada ah.

Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland waxa uu tilmaamay inaan wax biro ah dalka dibada looga saari Karin, isla markaana aanay xukuumadu ogolayn in wax biraha iskaraabka ah dalka laga saaro.

Guud ahaan wadanka Somaliland ayaa magaalooyinka waa weyn waxa hadyo jeer lagu arkaa dad iyagu ka ganacsada biraha loo yaqaan iskaraabka kuwaas oo u dhoofiyo wadamada jaarka la ah Somaliland sida wadanka Ethiopia, iyada oo birahaas looga faa,iidaysto in laga sameeyo alaabo badan oo faa,iido leh.

Wasiirka warshadaha Somaliland Cabdirisaq Cali Cismaan ayey tani noqonaysaa markii koowaad ee uu ka hadlo biraha sida sharci darada ah looga saaro dalka ee loo yaqaan iskaraabka.

 

SUBULAHANEWS DESK.