Qofna ma jecla in hoygiisu dumo, iyo xataa in dulin ama cayayaan yaryari ku dhasho toona. Kolka ay sidaas tahay, ayna si waadix ah kuugu muuqato in xaalku u socdo jihadii aanad jeclayn, waajibku waa in aad wax ka qabato. Wax san sheegis, hadii ay rabto haba qadhaadhatee, ayaa ka mid ah wax qabashada. Kalmadda “Dab” hadii aan idhaahdo, ma afkaa I gubanaaya? Ayaa nin laga sheegay. Mid kale na waxa laga sheegay, “Ninkii reerkeena maanta wax ka hagradoow, qoodhaa iyo xeradaba jabtay. Hadraawi na waxa laga hayaa, “Ninkii dhiiri sheegtoow is furo, way dhanaantahaye.”

Nolosha aduunyadu waa wada duruus isugu xidhan sida silsiladda oo kale. Waa sababta loo yidhaahdo taariikhdu waa ay soo noqnoqotaa. Jamhuuriyadii Soomaalida ee jirtay 1960 ilaa 1991, kolkii ay soo af-qudhmaysay, ee aanay laakiin wali kala daadanin, kolka hore indhaha ayaa soo casaaday. Xumaddii iyo xanuunkii aakhirkii dhulka dhigay ayaa korka uga soo baxay, dadku se ma wada arkaynin. In kasta oo ay aad u lliidatay, dadka qaar xoog u dafirsanaa in ay dhibaato ba jirto, amaba wax qaldanyihiin ayaa jiray. Dadkaasi waxa ay moodaayeen, amaba ay is moodsiiyeen, in sida xaalku ahaa ay iyaka dani ugu jirto. Dadka wixii qalad sheega, oo abwaaniinta iyo waxgaradka kale ay ka mid yihiin na, waxa ay u arki jireen balaayo sheeg aan istaahilin in la dhagaysto, iyo xataa in ay noolaadaan toona.

Si kastaba, kolkii beladii laga digaayay uu sidkeedii buuxsamay, ee ay fool-qaaday, ee January 1991 uu dabkii soo gaadhay gurigii Ina Siyaad, si isku mid ah ayaa loo wada qaxay. I bixiyoow i bixi, iyo kabtaydii meeday ayaa ka dhacday. Maxamed Siyaad oo ahaa cooflaha ugu wayn ee gardiidka ah, iyo gabi ahaanba masuuliyiintii dawladii Soomaaliyeed, oo beel walba leh, ayaa qaxoonti wada noqday. Kenya iyo meelo ka sii shisheeya ayaa qaxoonti ahaan loo wada galay iyada oo la simanyahay. Maanta Somaliland waxa ka taagan wax tii u sansaan eeg. Foolxumadii iyo kufsigii lagula kacaayay nidaamka dawliga ah ee dadka ka dhexeeyaa faraha ayaa ay ka badatay. qofkii yidhaahda waar waxbaa inaga qaldan na, magacyo ayaa loo bixiyaa, waa hadii aan godba lagu ridin. Booliiska guryaha habeenkii dadka kala baxaaya, qabyaalad adeegsiga qaawan, si xun u isticmaalka hantida dadka ka dhexaysa, maalin-ku-taajirka shalay la yaqaanay in uu faro-madhnaa, idaacadda iyo TV ga ay hadh iyo habeen amaanta tiro beeshay ka socoto, iyo waxyaabaha la jadka ahi waa cuduradii tii hore u dhimatay qudhoodii. Dilkii badraanimada ahaa uun baa maqan, kaasna awood baa loo waayay. Saw ma cadda in aynaan duruustii hore waxba ka baranin? Saw ma cadda in aynu jid hore loo eeday si dhab ah u hayno?

Nin la odhan jiray George Santayana, ayaa laga hayaa hadal ah, “For those who do not learn from the history, are condemned to repeat it… Kuwa aan taariikhda soo marta cashar ka barani, waxa ay ku khasbanyihiin in ay ku noqdaan qaladkii hore.” Ma moodaa in uu anaka na sheegaayo? Nin la odhan jiray Cabdi Iidaan Faarax, oo waagii Jamhuuriyadda Soomaalidu soo xanuunsanaysay tiriyay gabay wax san sheeg ah, oo “Deeleydii” ka qayb galay, ayaa ay u soo jawaabeen niman uu Maxamed Siyaad soo dirtay, amaba iyaku is diray oo isaga waji ka doonaayay. Nimankaas waxa ka mid ahaa Cali Cilmi Afyare, waxa ayna gabaygooda u dhigaayeen si beelaysan, dawladnimadda laga hadlaayo na, dadka ay ka mid ahaayeen Cabdi Iidaan, Gaariye iyo Hadraawi ayaa ay ka sheegteen oo iska xigsiiyeen. Waxa ay yidhaahdeen sidee dawladnimadeena loo taaban karaa, amaba cidi uga hadli kartaa? Abwaan Dhoodaan oo ka mid ahaa dadkii doodaas xoog ula yaabay, ayaa tiriyay gabay la odhan jiray, maxa keenay Daarood haday dawladnimo joogtay? Al-muhim, nimankaasi Cabdi Iidaan wa u jawaabay, waxa uuna tiriyay gabay ay saddexdan tuduc ka mid ahayeen:

– Doonidan shiraaqii u go’ay, ee dakhalkii iimoobay.
– Dusheedaynu wada saaranahay, iyo dacaladeedaase.
– Haynala degtee jooga, waa damacsanaydeene.

Banu-aadmigu tusaalaha ayaa uu wax ku fahmaa, xataa qur’aan ku marka uu dadka la hadlaayo, tusaalayaal ayaa uu isticmaalaa. Cabdi Iidaan dawladnimada uu ka hadlaayo, waxa uu ka dhigay ama u sawiray dooni badwayn maraysa, dhamaanteena aan wada saaranahay. Micnuhu waa hadii ay degto, waa aynu wada halaagmi. Ka naakhuudaha ka ah ee isteerinka haya, ka kijada ku jira, iyo ka rakaabka uun ka ahi isku si ayaa ay u khasaarayaan. Waa tusaale aan la heli Karin mid ka xeel dheer. Waliba doonida uu soo qaatay waa mid noocii hore ee bilaa mishiinka ku socon jiray, ee dabayshu riixi jirtay ah. Doonyaha noocaas ahi shiraaq wayn, oo dabayshu buufiso ayaa ay lahaan jireen, shiraaqaas na, bir dheer oo “Dhakahl” la odhan jiray ayaa hayay. Hadii birtasi ay dhaawacanto, ama si kale u ciirto na, shiraaqa ayaa dhacaaya, waxaana ay ka dhigantahay dooni ama markab mishiinkii ka xumaaday oo badaha iska dul sabaynaaya uun. Lama yaqaan meel ay tegayso doontaasi, waxayna u badantahay in ay meel daran ka dhacdo. “Haynala degtee jooga, waa damacsanaydeene”, ayaa uu yidhi. Waxa uu ka digay in doontu in ay dagto la qorsheeyay, oo waxa dhacaayay uu ku talagal ahaa. Hadii la yidhaahdo, tusaale ahaan, qoladaasi ma ku talo gelin in ay degayso, aqoon darro ayaana jirtay, kuwan maanta maxaa la odhan?

U fiirso, wiilasheenii iyo gabdhaheenii ayaa dawladnimada gacanta ku haya, ma aha ajnabi iyo dad aan la aqoonin, oo meel aan la aqoonin ka yimid. Waynu is wada naqaanaa, oo dad tiro yar baa aynu nahay. Gurigayga Hargeysa meel aan ka fogayn waxa degen nin wasiir ah, oo Cukuse la yidhaahdo. Meel aan sidaas uga fogayn na, waxa degen C/casiis Cagawayne, oo ah ku xigaha meeyarka. Labadan nin waxa ay dhisteen laba guri oo midkiiba qiimihiisu ku dhawyahay 200 oo kun oo doolar. Ka kaalay iyaka. Meel badhtamaha magaalada ku dhaw, oo waagii hore la odhan jiray Hindiyan-layn (Indian Line), waxa ku yaalay guryo yaryar oo dawladdu lahaan jirtay, dad danyar ah, oo agoomo u badan ayaana galay markii 1991 wadanka lagu soo noqday. Wasiir Samsam ayaa guryahaasi laba ka mid ah oo isku xiga, oo dadkii ku jiray la garanaayo isku iibsatay, waana ay dumisay. Dhulkii waxa ay ka taagtay dhisme ilaa nus milyan doolar ku kacay marka la isku daro iibkii guryihii hore, iyo kharashka dhismaaha cusub.

Marka ay sidaas tahay, cisbitaalka Hargeysa waxa loogu dhintaa daawo la’aan, magaaladana guud ahaan waa lagu oomanyahay, shakhsiyaad ay ka mid yihiin kuwaas aan sheegay, iyo kuwo la jaad ahi na, boqolaal kun iyo malaayiin ayaa ay gacanta ku haystaan. Saw markaas dambi ma aha in aynu nidhaahno horumar iyo dawladnimo ayaynu doonaynaa? “Haynala degtee jooga, waa damacsanaydeen”, uun saw xaalku ma aha? U fiirso, dadka aan halkan tusaale ahaanta ugu soo qaaday hantida aan ku sheegay, ma aha mid qarsoodi ah, kolka la soo qaado na, cidina ma isla diiddo in ay sidaas tahay. Caadi ayaa loogu sheekeeyaa, ama looga sheekeeyaa. Qof kastaa waxa uu kugu odhanayaa, oo yaa wax ka qabanaaya? Halkaas kolka ay gaadho, ee arintu ku soo ururto, haaye yaa wax ka qabanaaya, waxa soo dhawaatay degistii doonta saw ma aha? Ninkii dhiiri sheegtoow is furo, way dhanaantahaye. Aloow eex ma tiraabin ee aqoon ha igu cadaabin!

W.q: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews