Waxaan ognahay in Somaaliland lagu khasbay inay ay ku gasho doorashadii madaxtooyada ee 2010 dacday Diiwaangalin faashil ah inkasto ta hada la sameeyay xaga Technoolagiyada laga ga kalsoonaan karo tii hore,hadana markaad eegto sidii ay Diiwangalintu u dacday iyo sida haatan Komishanku u bilaabay Kaadh bixinta cod bixiyaasha waxaa kuu cadaanaysa in dad badan oo muaadiniin la duudsiinaayo xaqooga distooriga ah ee codbixineed( disfranchised laga dhigaayo) iyado loo adeegsanaayo wakhti ku cidiidis.Taas Dimoqraadiyad iyo Doorasho sax ah maaha. Aduunka cod bixiyuhu wuxuu waaya codkiisa marku ka habsaamo maalinta cod diibashada.

Komishanku wuxu ku sababa wakhti cidiidskaa kharashka baxa.Arinta bixinta Kaadhadku aad bay uga kharash yartahay Diiwahaangalinta oo Komishanku goobo fara ku tiris ah oo qof ama laba ka bixiyaan kaadhadka ugu yaraan laba billood ayu digi kara Gobal walba.Wakhti 6 bilood ka badan ayaa doorshadii madaxtooyada ka haday oo ay ku soo saari karaan liistada cod bixiyaasha doorashada horteed.Xeerkii liisaska 6 bilood horteed doorashada xadidaayay waakii la laalay.

Waxa baryahan is so taraayay dareen laga qabo sida Komishanku wax u maaraynaayo.ka so bilow Diiwaangalinta markii laga hirgalinaayay Gobalada Dalka .Qaar waxay ku ahayed tijaabo sida Gobalka Awdal.Waxa na laga qabtay wakhti abaar xun dadka Gobalku ku jiray oo dad badan u suurtagali wayday inay is Diiwaangaliyaan. Halka Gobalka Maroodijeex dib loogu dhigay abaarta daraadeed.Taa waxa raacay in la yidi qalbka Diiwaangalinta ee Komishanku haysta ku ma filna in mar qudh ah dhamaan goobaha Gobalka Maroodijeex laga wada qabto Diiwaangalinta.Tass oo siisay fursad deeraad ah oon Gobalada kale helin dadka Maroodijeexh ku nool inay is Diwaangaliyaan.

Arinta kale ee la yaab noqotay waa dafiraada qaawan ee Gudoomiyaha komishanka u fadhiyaa Gobalka Awdal ku dafiray inay jiraan caqabado iyo daldaloolo ka dhashay bixintii Kaadadka codbixiyaasha ee ku noqotay Gobalka Awdal tijaabo mar labaad.
Caqabadahaa iyo daldaloolada oo ay ka marakaceen dhamaan , masuuliinta Gobalku,Wasiiro,Badasaab,Maayar iyo dad waynihi goob jooga ka ahaa hab u socodka Kaadhad bixinta.Arintaa oo dabar jab Komishanka ku ah waa inu iska fogeeyaa.

Gabagabadii markaad eegto sidii Komishanku u kala maareeyay Diiwaangalintii Gobalada, qorshaha haatan u dajiyay Kaadh Codbixiyaasha ee hadana mar kii labaad Gobalka Awdal uuga bilaabay iyo xanta an qarsoonayn ee la yidaaho komishanku ka ma madax banaana Dawlada xukunka dalka hada haysa ,waxaad is waydiinaysaa ma waxaa jira xagal qabasho la xidhiida tartanka u dhaxeeya siyaasiinta u loolamaaya doorashada Madaxtooyada iyo loolanka u dhaxeeya Gobalada awood qaybsiga siyaasadeed ee Dalka

Diiwaangalintu waa seef laba af leh oo loo adeegsan karo xaga siyaasada si sax ama qalad ah kol ba kii la rabo.Komishanka waxaa looga fadhiyaa inu dib u eego qorshaha aw u dajiyay kaadh Codbixiyaasha si an muwaadinku codkiisa distooriga ah u waayin iyado wahktiga lagu cidiidaayo. Hadii kale Dimoqradiyada iyo Doorashooyinka Somaaliland waxay noqon kuwa dabar qaawan.

Ahmed Jama
Toronto- Canada
ajuma_99@yahoo.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews