Anigoo ogsoon in Xaaladda siyaasadeed ee waddanka ay tahay mid kacsan taasi oo saameyn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada, haddana waxa muuqatana in bulshada inteedii badnayd ay noqdeen kuwo ku foogan faalleynta siyaasadda amin kasta iyo goobkastaba.

 

 

Bulshada oo qaybo badan ka kooban ayaa haddana tan Somaliland ku nool marka aad u fiirsato waxa aad is odhanaysaa malaha bulshadan waa mid hal qudha ah oo qaybihii kala duwanaa ee bulsho lahayd kama koobna. Waayo? Waxaad arkaysaa in guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan ay falanqoonayaan siyaasadda taasina waxay keenaysaa in bulshadu ay wada noqoto siyaasiyiin inba inta kale taageersantahay ama ay kasoo horjeedaba.

 

 

Haddaba, inta aanan ka hadlin sida siyaasaddu bulshada qaybaheeda kala duwan u saameysay waxa mudan in aynu is weydiinno: Waa maxay Siyaasadi? Qeexitaanka Siyaasad waa  mid Waddanba si u dhigto, laakiin waxa jira xeerar xididdo u ah siyaasadda xeerarkaasi oo xayndaab u ah siyaasiyiinta caalamka.

 

 

Siyaasaddu waa Habdhaqameed maldahan lehna ujeedooyin Maamul, mid Dhaqameed,ganacsi,ciyaareed  iyo waliba ujeedooyin kooxeed oo xambaarsanaan kara qaab hormarineed iyo dhanka dib u dhaca taasi oo keeni karta baaba’ Bulsho.

 

Siyaasaddu inteeda badan waxaa lagu qeexaa Haykal dhismeed Maamul oo loo adeegsado qaadashada iyo fulinta qaabka dhaqanka iyo xeerarka lagu hago Gudaha Bulsho hal meel ku nool iyo la macaamilka Bulshooyinka Dibadda.

 

Sidoo kale Siyaasaddu waa dhabbe maamul oo leh khataro badan laguna go’aamiyo masiirka maamul ee dawladaha caalamka,waa baaq ama sarbeeb maldahan oo ay isku fahmaan madaxda ama dawladaha dunida ee kala maanka ah luuqadaha ay ku hadlaana kala duwan yihiin.

 

Siyaasaddu waa qaadasho iyo curin maskaxeed oo hadba dhan loo janjeedhiyay laguna wajaho u talinta bulsho dhan walba oo ay ahaato,waxaana jira qaabab badan oo loo qeexo siyaasadda caalamka.

 

Laakiin sidaasi oo ay tahay ayaa haddana dalalka caalamku midba si u arkaa ereyga Siyaasad,Qaarkood waxa ayba ku sheegaan mashiinka dhaqaajiya horumarka dowladnimo islamarkaana tusaaleeya wadan walbaa halka uu dunida ka joogo.

 

Qaar kale oo ka mid ah bulshada caalamku waxa ay siyaasada u arkaan dhaqan ruuxu uu gali karo kuna shaqaysto,kuwa kale ayaa aaminsan in siyaasadu tahay xerada kuwa maamul doonka ahi isku waraystaan kuna tiigsadaan hamigooda maamul.

 

Maqalka Ereyga  Siyaasad ee Shacabkeena waa muuqaal durbadiiba tarjumaada maskaxdu ka bixinayso ay tahay dhalanteed uu dhoolatus ku jirin kaasoo lahayn kobac iyo garaad loo riyaaqo, kana duwan Maqalka Siyaasada ee in badan oo ka mid ah caalamka ee bixinaya in siyaasadu tahay haykal dhismeed buuxa lehna aas aaska hormarineed ee isku xidha shacbi iyo Siyaasiyiin.

 

 

Intaasi marka aan kaga soo gudbo Siyaasad iyo waxa ay tahay, haddaba waxa iyaduna xusid mudan oo muhiim ah in bulsho kasta oo adduunka guudkiisa ku nooli ay ka koobantahay qaybo kala duwan kuwaasi oo ku kala duwan dhanka hab nololeedka ama qaab u fekerka.

 

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland ayaa waxa saameyn weyn ku leh Siyaasadda iyadoona la odhan karaba ma jirto qayb ka mid ah bulshada oo aan siyaasadda ka falan-qoon ha yaraato ama ha badnaatee. Ma rabo inaan koox ama cid gaar ah ku tilmaamo inay yihiin siyaasiyiinta dhabta ah ee waxaan sheegi uun in dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan ay faraha kula jiraan siyaasadda, innagoo mid mid u kala qaadi doonna inta aan ka gaadhno.

 

1-      Dhalinyarada Aqoonyahanka Ah:

Dhalinyaradani waa kuwii laga rabay in ay bulshada u sameeyaan ama odorasaan mustaqbalka wanaagsan ee bulshada waddankeena, waa kuwii laga rabay ka shaqaynta midnimada ummaddeena, waa kuwii laga rabay u adeegidd dadka u baahan in loo adeego, waaa kuwii laga rabay wecyi-gelinta bulshada, waa kuwii laga rabay ka hor tagga qabyaaladda iyo eexda aafaysay qarankeennan curidinka ah, waa kuwii laga rabay difaaca qaranimada iyo duminta qabyaaladda, intaas iyo inkaloo badanba waa waajibaadka saran dhalinyaradaas aan kor kusoo xusnay.

 

Haddaba marka aan sidaas leeyahay ulama jeedo in aan dhammaan dhalinyarada leeyahay waa kuwo dayacay waajibaadkoodii ee waxaan uga socdaa in dhalinyarada badankood ay noqdeen kuwii wakhtigooda intiisii badnayn ku bixiyay ama aan odhan karnaba ku khasaariyay siyaasadd, taas oo la odhan karo waa xad-gudub ay dhalinyaradu ka sameeyeen masuuliyadii saarnayd. Waayo? Marka aan leenahay Dhalinyarada Aqoonyahanka Ah waxaan ula jeednaa dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba leh kuwaas oo ku kala sugan goobaha waxbarashada sida; Jaamacadaha , Iskuullada iyo Macaahidda tirada badan  ee dalka ka jira. Tusaale; waxaad arkaysaa arday ka mid ah ardayda jaamcaddaha oo Classkiisu yahay Caafimaad ama Injineerin kaas oo ka falan-qoonaya ama ka faalloonaya siyaasadd, halkii uu ummadda uga faa’idayn lahaa cilmiga uu bartay ee ah Caafimaadka ama Injineernimada kuwaas oo bulshada waxtar weyn u leh.

 

Gabdhaha waxbartay oo aan iyaga waayadii hore lagu aqoon ka hadalka siyaasadda iyo falanqaynteeda ayaa hadda waxa aad ku arkaysaa baraha bulshada gabdho sida raga siyaasadda falanqaynaya, iyadoo bulshada ku keeni karta in dumarka siyaasadda ku biirayaa ay aad u kordhaan, arrintan ayaan adduun iyo aakhiraba u wanaagsanayn gabdhaheenna iyo guud ahaanba bulshadeenna.

 

Goobaha waxbarashada iyoo guud ahaanba goobkasta oo loogu talo galay in cilmi iyo aqoon loo doonto ayaa waxa ugu weyn ee markasta lagu hadal hayaa waxa uu noqday Siyaasad.

 

2- Culimada:

Culimadu waa unugga ugu muhiimsan bulshada marka laga eegayo dhanka wacyi-gelinta iyadoona ay yihiin qaybta kaliya ee illaa haatan ummadda samaha iyo wanaaga ugu yeedha, balse haddana iyaduna waxaan meesha ka badhnayn in ay jiraan rag badan oo culimada ka mid ah in ay siyaasadda si toos ah madaxa ula galeen, adigoo arki kara in wasaaradaha qaar ay wasiiro ka yihiin rag culimo ahaa oo masaajidada ummadda ka wacdiyi jiray, balse intii xilalka loo magacaabay ka dib aan lagu arkin minbaraddii iyo fagaarayaashii khayriga ahaa ee ay ummadda ka wacdiyi jireen, taasina waxay ku tusinaysaa in siyaasaddu ay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelatay xittaa culimadii.

 

3- Haweenka ama Hooyooyinka:

Haweenku waa warshadda waxsoosaar ee ugu muhiimsan adduunka oo dhan. Haweenku waa Hooyooyinka kuwaasi oo soo saara ubad ay iyagu rabbaayadda u qabtaan. Haddaba bal ka warran haddii warshadii adduunka ugu qaalisaneed ay duqayso? Saw adduunka oo dhan khal-khali maayo? Dabcan haa. Markaan sidaas leeyahay waxaan ula jeedaa waxaad arkaysaa hooyooyin tiro badan oo siyaasadda kuba biiray halka kuwo kalana ay quud-darraynayaa iyagoona dayacay waajibaadkii rabbi u dhiibay oo ah in ay awlaad wanaagsan soo saaraan oo ay rabbaayadeeyaan ubadkoooda, balse taas baddelkeeda waxaan odhan karnaa wakhtigan aan joogno hooyooyinka intoodii ugu badnaa waxay aad ugu mashquuleen siyaasadda iyadoona loo sheegay war-qaldan oo ah in dumarka xaq ka maqanytahay. Haddaba hooyo waxaan adna ku leeyahay waajibkaagii ama xayndaabkaagii ayaad kasoo tallowdee isku day inaad dib u laabato oo aad ku noqoto halkee laguugu talo-galay.

 

 

Dhanka kale, Dalkeena  waxaa ku nool tiro badan oo Siyaasiyiin ah si walba oo ay kusoo galaan saaxada Siyaasada,waxayna hamigooda koowaad ka dhigaan inay meel uun ka qabsadaan nidaamka maamul ee dalka ka jira.

Ma jiro Siyaasi ama Siyaasiyiin u istaagay inay toosiyaan qalqalooca yar ee ku jira Hanaanka siyaasada Dalkeena,soona saaraan jiil cusub oo Siyaasiyiin ah.

 

Ugudanbeyntii, waxaan bulshada inta aan siyaasadda sida tooska ah ugu jirin usoo jeedin lahaa gaar ahaan dhalinyarada Aqoonyahanka ah in ay faraha kala baxaan Siyaadda maadaama maanta wakhtigan aynu joogno ay siyaasadda waddankeenii noqotay abtirsi iyo eex aan wanaag loo ogayn, taasi oo keeni karta isnaceyb iyo kala fogaansho ka daran kan maanta jira. Fadlan Qayb Haka Noqon Kala Fogaanshaha Ummadda!.

 

 

W/Q. Mahamoud Nour daahir (Maxamuuto)