Hargeysa (SBN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,

ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimada oo ay ka socoto ururinta qadhaanka dadka abaaruhu saameeyeen loogu talo-galay in lagu xooleeyo, laguna sameeyo dhaamam iyo seerayaal dhaxal iyo dhigaal u noqda wixii abaaro ah ee soo noq-noqda, taasi oo lagaga gaashaamanayo wixii danbe.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhaam biyood laga hirgelin doono duleedka caasimada Hargeysa oo ku kici doona $12,000, iyadoo ay lacagtaasina ku deeqeen ururka Tawaasul oo uu u hadlay Xamse Cumar Ku joog oo ka mid ah da’a yartaa isxilqaantay, iyadoo dawladda hoose ee caasimada Hargeysa oo uu gadhwadeen u ahaa maayarka caasimadu ay dhaamka ugu deeqeen agabkii lagu qodi lahaa iyadoo madaxweynuhuna uu amray in la bilaabo qodista dhaamkaasi.

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

 

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: car, tree, outdoor and nature

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: car and outdoor

Image may contain: car and outdoor

Image may contain: one or more people, cloud, sky, outdoor and nature

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: sky and outdoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews