Hargesa (SBN):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqdey in uu dalkeeda iman Doono raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Mr Abdoulkader Kamil Mohamed .

Wasiirka wasarada Kaluumeysiga Somaliland Cali Faarax Buureed ayaa markii ugu horeysay arintan shaaca ka qaadey waxaana uu sababta uu u imanaayo ku tilmaamay in ay tahay sidii uu u baran lahaa tolkiisa beesha Warsan gali

 

“Raysal wasaaraha dalka Jabuuti halkan buu iman doonaa , waxaa uu diyaarad ku tagi doonaa Sanaag bari iyo Ceerigaabo , waxaana uu soo baran doona tolkiisa Beesha Warsan gali ” ayuu yidhi wasiirku

 

Hadalkan wasiirka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaaa xili ay Somaliland yimadeen afar xildhibaan oo gogol xaadh u ah raysal wasaaraha isla markaana waxaa maanta qado sharaf u sameeyey xildhibaanadaas Masuulyiinta iyo xildhibaanada Beesha Warsan Gali ee Somaliland ku sugan

Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Muddane  Abdoulkader Kamil Mohamed ayaa waxaa uu isagu dhalasho ahaan ka soo jeeda  Beesha Canfar gaar ahaan Jilibka Batu Meela oo isir ahaan ku abtirsada beesha Warsan gali

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews