Borama(SBN) Hal sano ayaa kasoo wareegtay wakhtigii xubin ka tirsan salaadiinta G/awdal u dabbaldegyada 18ka May ku tilmaamay siyaaradii sheekh Isxaaq oo la balldhaadiyey gobolada s/land  oo dhanna la gaadhsiiyey siyaaradaasi .Hadalka Suldaan Abshir  muxumed Ducaale  ee sannadkii hore  2016kii    18ka may u sheegay siyaaradaasi ,oo macnaheedu yahay inay tahay  siyaaro u gaar ahoo ay siyaartaan  beelaha dhexe Soomaaliland,ayaa waagaa dad badan oo ku nool gudaha dalka iyo debeddiisuba dareen  cadho iyo farxadba leh u hadalkaasi ku reebay siiba beelaha    g/awdal  ee haysta  kursiga ugu sarreeya dalka  oo ah M/weynekuxigeenka  si weyn uga cadhoodeen ,waxana  wakhtigaasi suldaanka  ay eedo badani kaga yimaaddeen xukuumadda soomaaliland ,xisbiyadeeda iyo qaybo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ee taabacsan xukuumadda Siilaanyo, waxayna sheegeen in hadalka suldaan abshir laf jab ku yahay qaranka iyo  beelaha u suldaanka u yahay Abshir .Kaambaynka iyo weerarada afka ah  ee suldaanka kaga imanayey hadalkaasi ,ayaa dhinaca kale waxa aad ugu riyaaqay qaybo ka id ah dadweynaha reer awdal ,iyo qaar ka mid ah dadweynaha gobolada kale ee dalka ee iyagu qoonsada  ama an raalliga ka ahayn xuska iyo dabbaldegyada  18ka May .

Haddaba marka dib loo raaco hadalkii suldaanka waagaasi kasoo yeedhay iyo xuska 18ka May ee sannadkan 2017ka ayaa durba la dareemi karaa sida beelaha dhexe ee  taageerda siin jiray SNM dib uga gurteen inay ku degdegaan xuska sannadkan waxayna ku dhawaaqeen inay taa ku beddeleyaan lacag qaadhaan ah oo loo ururiyo dadkooda ku tabaaloobay abaarihii sannadkan helay  dalka gaar ahaanna gobolada Bari .Marka laa yimaaddo  xarunta madaxtooyada Soomaaliland oo lagaga sheekeeyey qiimaha maalintani u leedahay dadweynaha dalka qaarkii ,halka gobolada kale ee u gobolka awdal ka mid yahayna la arkayey oo keli ah asiirro ka tirsan xukuumadda siilaanyo oo meehanaabaya xaafadaha ,wax dhaqaale ah oo ay dadweynaha   sicir babarku wareeriyey kaga jabinayaan bisaaraddana anay u sidin ,balse iyaga laftooda  ka muuqatay bisaaraddu .

Qiimodhaca ku yimi 18ka May    sannadkani una ekeysiisyey siyaaradii  suldaan abshir sheegay taasookeentay in xaafadaha  maaalada ama Boorama lala wareego baco lagu ururinayo baco lagu ururinayo siyaaradaasi oo kii helaana ugu ridayey kii kalena iska dhaafayey,mana jirin  dabbaladegyo  farxad geliya xukuumadda siilaanyo balse waxay iska ahayd uun maalin  an ka duwanayn maalmaha kale marka laga reebo   joogitaanka  wasiirada reer awdal  ee Boorama iyo shahaado sharaf been been  ah  oo Boorama lagu siiyey wiilka u soddogga u yahay madaxweyne Siilaanyo iyo Faysal Cali  waraabe  laguna siiyey kaalintii ay ka qaateen xaraashka dekedda Berbera .

Si kastaba ha ahaatee hadalkii suldaan abshir ee 18ka May  ayaa  u ekaa mid laga aqbalay hoosna u riday xuskii iyo dabbaaldegyadii loo samayn jirey maalintan oo kalana meesha ka saaray,axase la eego doonaa sannadaha soo socda inay hoos ugasii dhacdo iyo in kor loogasoo qaado  halka maanta lagu riday.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews