Madaxweyne soomaalidu waxay Ku maahmaahda”Cimrigaaga oo tagay, ceeb laguma sagootiyo”maanta lagu eegaya waxaad ka qabato cadalad darad tuugada iyo boobka barlamanka ka dhacdey.

Hadii xildhibaan talyanle yidhi”igama qudhunto,igama gubato” goorteed iyo xiligeedi wu asiibey xildhibanadii u codeyeyna wa xaadir oo iyagaba markhatiya, marka wa in xabsiga la dhiga cidkasto oo musuq masuqa sameysay kana qeeyb qaadatey,cadaladana la hore keena. madaxweyna qarankuna uu khaatumadisa khaayr Ku khatimo, hadu cimrigisa cadaalad daro Ku so gunaanado taariikhdisi iyo akhiradiisi halkaas ayay halis Ku galeeysa.
waxaay shacabka Somaliland iyo caalamku si dhow ula socdaan dhacdadan badheedhka ah ee qalinka lagu xadey, sida xukumadu ka yeesho hadii ay cadalad darada garabsiiso xukumadu

waxa lalal tiigsan doona maxkamada sare ee Somaliland iyo maxkamadaha calamiga ah ee ICC iyado dhaman la daba gali doono masuuliyinta xukumada ugu awooda badan oo lala tiigsan doono shuruucda wadanka iyo kuwa calamiga ahba.

Wakhtigan lagu jiro oo ah wakhti doorashooyin xaasasiyi waddanka Ku so fool leyihin aya u bahan in laga feejignaado wax kasta oo dhex dhexaadnimada xukumada khatar galin kara,waxa xisbiyada qaranka, shacabka Somaliland iyo beesha caalamku isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa xukumada sameyneyso (ha oogaado nin moogi)

Wakhitigani maha wakhitiyadi dadku kuwey xilka u dhiibtan sidey doonan ku fali jiren, cidi dhiibato iyo tacadi shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ugu geeysata xilka uu umada u hayo ha ogado inaan laga hadhi doonin, meel kasta oo uu dunida ka tago iyo wakhti kasta oo ay qaadto.

Alla Mahad leh

Qalinki: Khadar kaariye

ku soo biir Subulahanews Newtwork ,waa cinwaankayaga facebook