Deegaanka Xeego oo dhinaca waqooyi ka began magaalada Borama ayaa dhawaan loo macaabay dagmo taas oo xag uleh in dagmo loo magacaabo marka ay shuruudaha dagmonimo buuxiso iyada oo loo marayo sifada sharciga u-dajisan nidaamka.
Saddex su’aalood oo bulshada deegaankaa iyo deegaanada ugu dhow degan maskaxdooda ku wareegays gaar ahaan dadka deegaanada ka soo jeeda
MA DEEGAMAYSAN KARTAA DEEGAAN AANAD LAHAYN?
Suaashaas jawaabteedu waa MAYA marka sida saxda ah loo fikiro laakin waa nidaamka laga wado degmada xeego iyo degaanka kudhow.
Deegaanada waqooyiga Borama ee ay ku jirto xeego iyo inta udhow waxa ugu badan iskana leh qabiilka wayn REER AXAMED oo ah beesha deegaanada xeego iyo kuwa ku dhow ugu badan ahna beesha deegaan ahaan iska leh magaalooyinka BORAMA iyo BOON. Waxa ku xiga oo deegamada la dagan qabiil isna baladhan oo layidhaahdo MUSE FIIN oo ay ood-wadaag yihiin isna dhalaan Reer Axamed ka waxa intaas soo raaca qabiilo yar yar oo aan sidaas ubuurnayn oo reer ree labo qoys ama sadex qoys ka dagan yihiin deegaamadaas.
MEEL AAN GURI KADHISNAYN DAGMO MA NOQON KARTAA?
Suaashaas jawaabteedu waa MAYA marka sida saxda ah loo fikiro laakin way dhacday oo xeego oo ah meel guri aanu kadhisnayn ayaa loo magacaabay degmo taasina waxa ay muujinaysaa nidaam xumada dowlada iyo qiimayn-la’aanta meeshii dagmo noqon karta iyo meeshii aan dagmo noqon karin.Taasi waxa ay ina dhaxal siin doontaa bari dhow in xataa xabaalaha dagmo loo magacaabo.

MA DEEGAMAYSAN KARTAA DEEGAAN AANAD ARAG?
Suaashaas jawaabteedu waa MAYA marka sida saxda ah loo fikiro laakin way dhacday oo xeego ayaa tusaale ugu filan. Dadka hor boodaya dagmada xeego waa dad aan deegaan ahaan ka soo jeedin dagmada xeego iyo deegaanka udhow waa dad deegaano kale ka soo jeeda oo aan xaqiiqda ogayn laakin ninkii dhulka lahaa uun baa jira jirina doona.

CEEB-WAYN
Beelaha Habar-Cafaan oo aan qadarin wayn uhayo ahna mid ka mida qabiilada beelaha samaroon miyay ku qanacsan yihiin in ay hesho dagmadii ugu horaysay oo ay ku helaan sifo khaldan iyo deegaan aan guri ka dhisnayn dadkii ladanaana ay ka dhuuntaan.

REER AXAMED
Reer Axamed waa badan yahay dhul badana waa leeyahay iyo degmooyin kale ee aanu idiin hibaynee oo xataa aanu idin siinee yaanu siinaa? Wax nooshega abiyayaal?
Muuse fiin ?
Habar-yeesif ?
Reer Ciise ?
Faroole ?
Xansasacad ?
Iyo 7 kale
Waa xaqiiq marag madoonto ah taas oo uu garanayo nin walba oo deegaanka ka soo jeeda laakin idha ayaa la iska qabanayaa laakin runtu runteeda ayay tagi doontaa mustaqbalka.
Alaa mahadleh
Qore: Cumar Cali Cabdi Buux
cumarcali2034@gmail.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews