Afartaas kalmadood ee cinwaanka ku sheegan hadii aad si fiican u dhadhamiso, waxa kuu soo baxaaya meelo badan oo ay afartaasi iska soo galaan, amaba qaraabo/ehel ka yihiin. Eeg, Kenya iyo dadkeedu aad iyo aad ayaa ay u walwalsanyihiin. Sababtaas darted ayaa codbixintii maanta loo hawl geliyay 150 kun oo cidan ah si ay amniga u ilaaliyaan. In ka badan afartan kun iyo sided boqol oo goob doorasho ayaa ay ka codaynayaan 19 milyan oo ka mid ah 45 milyan ka Reer-Kenya. Dadaal badan oo dhinac walba leh ayaa la sameeyay si natiijada loo hubiyo, boqolaal milyan oo lacag ah ayaa lagu kharash gareeyay, kumanaan goob-jooge ayaana la geeyay goobahaas tirada badan. Si kastaba, doorashada Afrika ma aha mid hawl yar, waxaana xoog u fudud in ay dagaal beeleed isu bedesho, oo nafo badan lagu waayo.

Sababo badan ayaa keena dirirta ka dhalata doorashada, (Post election conflict), laakiin waxa ugu daran hal sabab, taas oo kuwa kale oo dhan tiir-dhexaad u ah. Sababtaasi waa in kooxda xukunka haysaa ay si bilaa xishood ah, oo bilaa tudhis ah xukunka isugu dhajiso, ayna doonaan in natiijada doorashadu noqoto midda ay ‘iyaku’ rabaan uun, Waxa ayna ku doodaan in meeshu Afrika ay tahay! Doodda ah, “Meeshu waa Afrika” waxa ay xambaarsantahay micnayaal kala duwan, laakiin waa micnayaal dhamaantood wada xun, waxaana ka mid ah in aanu xishood jirin, damiir jirin, dadnimo jirin, sharcina jirin. Meel aan intaasi ba jirin sidee kursigaaga u bixin kartaa? Geesta kale, sidee kuwa kula tartamayaa u aqbali karaan jujuubka iyo boobka noocaas ah, ee fikirkaas foosha xumi na ka dambeeyo, ee la isla ogyahay? Labadaas dareen dhexdooda ayaa dagaal beeleedka iyo dirirtu ka bilaabataa. Sidaas o ay tahay, Kenya dadaal badan, oo badan, oo dhinac kastaba leh ayaa ay samaysay si aan natiijada loogu murmin, oo aanay masiibo u dhicin sidii 2007 kii. Xata ilaa xad ayaa ay gaadhsiiyeen in natiijada lagaga dhawaaqo goob-doorashada, oo website kana la geliyo si aanu u imanin muranka ah isu geyntii baa la qalday. Xataa Kenya shuruucdii waddanka ayaa ay is bedel wayn ku sameeyeen, oo cidda musuq samaysa, amaba olole beelaysan iyo kicin bulsho ku kacda, sharci ayaa ka yaala. Gaadiid dawladeed oo hebel loogu shaqeeyo, idaacad afka kooxda xukunka haysata uun ku hadasha oo buunbuunisa habeen iyo maalin, iyo shirar beeleed xukuumaddu ku bixiso lacagta dadwaynaha na hadalkoodba daa.

Somaliland u kaalay – xiin doorasho oo waalan ayaa ka socda, wax uga meel yaalla masiibooyinka bahashaas la socda na ma jiro haba yaraatee. Waxa taas ka daran, si badheedh ah ayaa jihadii qaladka ahayd ee la eedi jiray loogu socdaa, wixii sharci iyo anshax jiray oo dhan na waa laga talaabsaday, oo meel baa la iska digay, kooxda xukunka haysa ayaana ugu daran! Somaliland ha loo tudho, oo ha loogu tudho in sharciga la dhawro. Intaas uun baa ay ku badbaadi kartaa. Kulmiye intaas ma laga helaayo hadii ay wax kastaa dhacaan. Warbaahinta qaranka keligiin ma lihidin ee foolxumada daaya ma laga helaayo. Baabuurta dawladda iyo cashuurta dadwaynaha idinku ma lihidin ee joojiya in ad qof ugu ololaysaan laga heli maayo. Xialalka qabyaaladaysan, ee aad maalin kastaba magacaabaysaan joojjiya ma laga helaayo. Xadhigga iyo weerarka aad mucaaridka, xafiisyadooda iyo xataa calamadooda ku haysaan, ee aan kala joogsiga lahayn joojiya ma laga helaayo. Kolkaa maxaa la doonayaa? Meeshu waa Afrika ha igu odhahn. Ogow in jujuubka iyo sharci jabinta khasaare ka dhasho, khasaarahaas na aynu wada leenahay. Hadii aad Kulmiyaha intiisa caqliga leh tahay, intaas wad ila garan, hadii kale na mooyi.

W.Q: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews