Su’aasha ah: sababta aanay sax u ahayn in uu Kornayl Biixi noqdo madaxwayne Qaran, qayb ahaan waxa shalay ka jawaabay Ismaaciil Aadan, waa uu se xanaaqay, xanaaqu na waa khatar oo doodda saxda ah ayaa uu hadhayn karaa. Ismaaciil hadalkii uu shalay sheegay, iyo midkii dhawr maalmood ka hor uu ka sheegay Alay-Baday, waxa ku jiray laba qodob oo dood-siyaasadeed hufan ah, oo aanay Kulmiye jawaab u haynin, una heli Karin haba yaraatee. Shalay waxa uu xoogga saaray qadiyadda muhiimka ah ee hufnaanta oo uu Kornaylku meel madhan ka joogo. Waxa uu sheegay intaas oo kiis dhul boob ah, oo Kornaylku ku lug leeyahay, oo la wada ogyahay, dadkii lahaa na uu magacdooda xaadiriyay. Waxa uu keenay su’asha ah – Kornaylku ma shaqaysanin, dhulal iyo guryo ciidda ka badan na waa leeyahay ee xagee ka keenay? Car ha la helo cid u ab tirisa oo doodda dhulboobka iyo guryaha ka jawaabta! Xaasha iyo tu aan dhacaynin weeye. Isaga oo aan awood dawladeed oo toos ah gacanta ku haynin hadii uu Kornaylku boobka intaas leeg sameeyay, oo maantadan iyo saacaddan uu boobkii haysto, oo aanu iska celinin, xaalna ka bixinin, muxuu samayn kara hadii uu talada wadddanka gacanta ku dhigo?

Su’aashaas ayaa meesha taala oo aanay Kulmiye doonaynin in la is waydiiyo, maxaa yeelay jawaab ma u hayaan! Waa doodii shalay taasi. Maalintii hore na waxa uu Ismaaciil ku dooday in aanay Kornaylka cidina qaban Karin, sharci iyo shakhsi toona, sidaas darted na aan talo umadeed lagu aamini Karin, tusaalayaal na waa uu keenay. Waxa uu sheegay in Kornaylku uu meel madhan ka joogo mabaadiida talo wadaagga iyo ra’I isu gayn-gaynta, sidaas darteedna aanay ahayn in talo loo dhiibto. Waa dood hufan, oo aad u hufan oo siyaasadeed, aanay se Reer-Kulmiye doonaynin in ay ka jawaabaan. Kornaylku maanta ma dhalanin, dadku na waa is yaqaanaa, intan uu Ismaaciil sheegay na, waa boqolkii hal uun ka mid ah masiibooyinka Kornaylku jjiidanaayo ee ciidda ka badan, oo qaar ka mid ah na uu hore u sheegay Cali-guray. Sidaas oo ay tahay, Ismaaciil waa uu xanaaqay, isaga oo gar leh in uu xanaaqo na ma ahayn. Maahmaah Soomaaliyeed baa ah, “Nin gar leh oo cadhooday, iyo nin middi haysta oo margaday midkoodna garawshiiyo ma laha.” Ninka garta lihi waa in uu gartiisa oogta ka cadeeyo uun, ninka midida haystaa na waa in uu hilbaha iska yaryareeyo si aanu ugu marganin, hadii ay sidaas samayn waayaan na, wixii ka qaldama loogu garaabi maayo midkoodna.

Ismaaciil xanaaqii waxa uu ka keenay in uu golaha ka sheego naanaysta uu lahaan jiray odaygii Kornaylka awawga u ahaa, keligiis na ma aha ee qoraal iyo aftiba iyada oo fagaarayaal kala duwan lagaga sheegayo waa la kulmaa. Mar kastaba, hadda iyo hadeerba, anigu arintaas waa ka soo hor jeedaa. Eeg, hadii loo jeedo dood siyaasi ah, meesha foolxumooyin tiro badan ayaa yaalla oo ay tahay in la soo ban dhigo. Kornaylku dhaliilo aanay cid kale ba lahayn, oo wax na uu ka dhaxlay Kulmiye, waxna uu isagu shakhsi ahaan u leeyahay, oo kuwan Ismaaciil sheegayaa ka mid yihiin ayaa u buuxa. Ma dareemi karo sabab loogu baahanyahay soo hadal qaadka oday noolaa ugu yaran boqol sano ka hor. Kornaylka siyaasi ahaan ayaa aan isu haynaa, waxa aanan leenahay, kolka la eego sababaha ciidda ka badan ee banaanka yaalla, ee wada runta ah, ee xataa isaga qudhiisu aanu iska difaaci karrin, ninkani ma aha shakhsi sinaba ugu haboon hogaamin umadeed. Taas weeyaan dooddu, wixii dooddaas siyaasiga ah ka baxsani na waa debedda. Waxyaabaha ay dimuquraadiyaddu ku wacantahay ayaa ay ka mid tahay in la shiilo, oo ubucdiisa banaanka la soo dhigo qofka talada umadda doonaaya. Qofkii taas og, ee xaalkiisa na og, ee hadana indho adayg awgii umadda isu soo hor taaga na, bulshada ayaa la tusayaa. Somaliland-neey Muuse waa kaas ayaa la odhanayaa, cayna ma aha, hadii ay isaga ku koobantahay. Kornaylka waa u furantahay in uu tartanka ka baxo maxaa yeelay doodaha la keenaayo in badan oo ka mid ah ayaa ka joogsan doonta, laakiin dhulalka dadkii lahaa joogaan ka mid ma aha dooddaha joogsanaaya.

W.Q: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews