Borwma(SBN)Wakhtiyadan oo kale waxa jira waxa afka qalaad loo yaqaan (period of political uncertainty-xiliyada isbadelka siyaasadeed ee aan la hubin/xaald kala guur) inkastoon ilaahay ka baryayno in uu si nabad galyo ah inuugu dhameeyo doorashadaa hadana kulankan wuxuu ahaa mid muhiim ah ahmiyadiisana leh, shirku wuxuu ka dhacey huteel haldoor ee magaalada borama 10ka bishan august 11, 2017 habeen ka jimcuhu soo galayay.

Tan iyo markii la uumay aadaanaha, waxa uu ku jiraa halgan iyo dadaal dheer oo uu kaga midho dhalinayo marba sida uu uga fal celinayo iyo sida uu ugu noolaanayo bii’adaha kala dudawan ee uu ilaahay ku uumay, waa qayb ka mid ah hab nololeedka bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay degan tahay gaar ahaan umada reer somaliland. waa nidaamka beelaha waxa aynu kusoo wada caano maalney kadib markii aynu wayney fikir sax ah ama diin ha ku salaysnaado amaba mabda’a kale oo taa badelkeed aynu aaminsanahay islamarkaana ka midaysanahay.

sidaas darteed waxa beesha maxamuud yoonis oo ka mid ah beelaha ugu balaadhan somaliland ay qabsatey shir ay kaga tashanayso aayaheeda, qodabada shirka lagaga hadlay waxa ka mid ahaa arimaha nabadgalyada, waxbarshada, iskaashiga iyo isku xidhnaanshaha, dhaqaalaha iyo qaadhaan bixinta, mashaariicda horumarinta iyo arimaha siyaasada.

waxa kale oo iyadna xusid mudan in laga hadlay lagana dooday sidii beesha la iskugu xidhi lahaa dal iyo dibad iyo dhamaan gobalada ay dagaan ee jabouti, somaliland iyo ethiopia.

waxa la xusey in ay beeshu qabsatey arimo faro badan, horumar la taaban karana ka gaadhey meelo badan. waxa ay beeshu dal iyo dibad bixisay mudooyinkii u danbeeyay lacag dhan $ 100,000 oo dollar oo lagu maal galiyay xaga waxbarashada sida (deeq waxbarasho oo la siiyay) oo laga bixiyay jaamacad ardey tiro badan oo badankood ka baxay ama wali dhigta kuliyadaha kala duduwan ee jaamcada camuuud iyo jigjiga, waxa la dhisey dugsiyo waxbarsho magaalada sharafweyn, masaajid, goob caamifaad iyo ceel biyood. waxa iyadna laga qayb qaatey magacaabistii degmada dharwanaaje oo beeshu ay bixisay lacag ka badan $ 10,000. waxa kale oo ay beeshu kharash badan ku bixisay diiwaan galintii iyo kaadh qaadashadii dhawaan ka dhacdey somaliland gaar ahaan degmada borama ee gobalka awdal, dadka is diiwaan galiyay oo tiradoodu inta la ogyahay kor u dhaaftey 10,000 qof waxa kaadhadhkii qaatey isku celcelis 88% (boqolkiiba 85%).

xaga siyaasada waxa ay beeshu ka gaadhey meel fiican ilaa kursiga wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, wasiir maxamuud oo isagu doortey in uu iska nasto waxa ay beeshu uga mahadcelisay sidii uu ula soo shaqeeyay qaranka somaliland, taa badelkeed waxa ay talo ku soo jeediyeen in ay joogaan aqoonyahan siyaasiin da’a yar aad na u firfircoon oo badeli kara mustaqbalkana la shaqayn kara qaranka somaliland.

anaka oo soo koobeyna, hadalkana soo gaabinayna, guntii iyo gabogabadii waxa aqoon yahanka beesha maxamuud yoonis ka soo saarey shirka qodobadan hoos ku qoran;-

in la adkeeyo nabadgalyada iyo jiritaanka umada somaaliland
in beeshu gaar ahaan ururka mays uu sii libinlaabo siina dardar galiyo mashaariicda horumarineed ee mandaqada ay beeshu dagtu gaar ahaan xaga waxbarashada oo la sii joogteeyo deeqdii waxbarasho ee uu ururku siinayay ardeyda taagta daren ee aan awoodin in ay iska bixiyaan.
in lasii xoojiyo lana dardar galiyo qaadhaankii ay beeshu bixinjirtey si aynu uga wada qayb qaadano horumarka bulshada aynu la noolnahay guud ahaan gaar ahaana beesha.
in la adkeeyo lana xoojiyo midnamada beesha oo dal iyo dibada la adkeeyo isku xidhnaanshaha taasina ay u horseedi doonto horumar, barwaaqo iyo wax wada qabsi
aqoon yahanku waxa kale oo uu ku heshiiyay in la abuuro/sameeyo gudi siyaasadeed oo indheer garad ah la socda isla markaana indho indheeya arimaha siyaasada iyo isbadalada mandeqada si ay meesha uga baxdo isku haleyn qofba qofka kale.
in guud ahaan laga qayb qaato horumarka bulshada aynu wada dhalaney ee aan isku deegaanka nahay.
iyo gabogabadii in xaga saxaafada ay beeshu ka yeelato qorshe iyo cid u gaar ah isla markaana la xoojiyo saxaafada.











ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews