Maxamed Cali Cabdi (murashaxa madaxwayne ku xigeen) ee xisbiga wadani waa shakhsi aanan aniga iyo shacabka somalilaan aynaan aqoon duruqsan u lahayn xoogaa mooyee waayo saamayn sidaaya kuma laha sooyaalkii dalka isagoo na ah qube ka yimi kaasoo astaan dhigane u haysta in uu ahaa safiir xiligii dawladii somaliya loonna yaqaano (ambassador Maxamed) saamayn yaridiisa ama ku cusbaan shiyihiisa saxada siyaasadeed ee dalka ayaa noqotay in garasho loo yeelan waayo shakhsiyadiisa xataa haday tahay marka magaciisa la iswaydiiyo ilaa iyo lagu ladho mansabkiisa ah murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga wadani kaaso ah in kolka la tilmaamayo aan la sheegin magaciisa ee derajadiisa uun la sheego si loo garto, oloahiisa ugu fiican na yahay waxaan safiir somaliya ah ereyada noocaaso ah aan raali galin shacab ay sooqaadka ereyadaasi damqayaan dhaawacyadii kasoo gaadhay dawladii somaliya.

Amb Maxamed, waa shakhsi af-gaaban, dhawrsoon oo sida xaqiiqda a, ah in aanu lahayn saamayn wanaagsan iyo saamayn xun midkood na waayo wuxuu ka madhan yahay bulsho dhexgalka, isbarashada, wax dhaliilida, ismuujinta, fagaare ka hadalka oo qudbadihiisu waa dhawr ay ugu caansantahay qudbadiisi caanka noqotay ee ay ka hadhay weedhiisii halhayska noqotay ee “hooyaday waxay igu tidhi ……….” hadalkaa aan lamahadin qofba si ha ufahmee, arimaha kale ee qaybta ka ah liidashada damaciisa siyaasadeed ayaa waxa kamid ah in uu murashax madaxwayne ku xigeen ka yahay xisbi jira afar sanadood iyo 1 sano oo uu xisbigaasi ahaa urur siyaasadeed iyadoo waliba uu isagu kasoo dhex shaabaxay uun shirawynihii xisbiga ee murashaxinta lagu dooranayay sanadkii hore ee 2016. Doorashada shirawynahaasi isaga lagu doortay ayaa isna usabab ahaa dhaawicii ugu waynaa, fashilkii siyaasadeed xisbiga iyo katagii siyaasiyiin miisaan cuslaa oo ahaa kuwii xisbiga wadani kasoo saaray ururnimadii halkaasoo uu xisbigu ku waayay kalsoonidii iyo taageerihii shacab ee ugu balaadhnaa khaasatan gobalka awdal

Maxamed Cali, wuxuu ku suntan yahay in aan gafaf badan oo siyaasadeed laga tirsan, balse aamusnaantiisa ayaa ah mid dhalisay dareen ah cayn shiki oo fogaynaysa helida taageerayaal cusub iyo dib ubauurida kalsooni shacab… socdaalkiisa imika ee magaalada ceerigaabo ayaad ah hawl-galkiisii ugu horeeyay ee xisbiga ugu hawlgalo marka laga reebo hungadii ay haldoorka iyo hogaanka xisbigu hore ugasoo qaadeen hayaankii ay gobalka awdal ku tageen si’ay qiimayn ugusoo sameeyaan miisaankiisa siyaasadeed ama cududiisa taageero inkastoo safarkaasi dhaafi waayay magaalada boorama kadib markay quus ka qaadeen qaabkii qaabilaadoodda ayna xaqiiqsadeen balanqaadkii murashaxii madaxwayne kuxigeen ee hore Axmed M Seed ee hagardaamada iyo khiyaamada loogu gaystay ururkii uu isagu xisbiga ka dhigay, sidokale waxay si buuxda u ogaadeen in C/raxmaan Saylici shacabka awdal kuwada kasbaday kalsoonidooda wax qabad cadaalad ah oo la simay dalka intiisa kale ee codbixiyayaasha ah iyo qurbajooga xisbi maalgaliyayaasha ah….

Sidokale, Maxamed Cali, labo arimood oo lasoo dhaafay balse muhiim ah ayaa isaga imika bilaw u ah waa na barta kusifaynaysa in uu yahay murashaxa nasiibka uhelay jagada madaxwayne kuxigeen oo ah RAAD-BARRADKA SIYAASADA hadaba haba ahaado siyaasad barad habsaamay ilayn nin ba marbuu siyaasad baradyahee midakale bello kadhacday ee isaga iyo xisbiga babaabahda kadhigtay baa ah MURASHAX DAL BARAD imika uun ah oo ku hawlan in uu dalka barto, siyaasada barto, mar isaga labarto, mar uu isagu dadka barto!!! Imikadaa, dalbarasho iyo dad soobarasho ayuu ku joogaa ceerigaabo oo waxaa wada ama kaxeeyay siyaasi Abdalla Axmed Daamur.

Bal wakaase hees usaar. (Daalaynu joogne, aan dacal ka dhaafnee, dusha ceerigaabiyo……..)
Qaybtii 1aad .

Abdishaur Gande …….
Gandeabdishakur@gmail.com
0634200882. 0634454882

ku soo biir Subulahanews Newtwork ,waa cinwaankayaga facebook