Hargeysa (Awdaltoday):- Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada wa weyn ee reer Somaliland ayaa waxaa uu si adag uga Hadley khilaafka ka dhashey dorashadii gudoomaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland

Sheekh Aadan Siiro ayaa waxaa uu cid kasta oo arintaasi ay khuseyso ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan u xaliso isla markaana si cadaalad ah oo aan dhinacna garabka la sareen loo dhameeyo

” Waxaanu leenahay Baarlamaanka ha la hesheysiiyo oo ha lagu heshiisiiyo waxii xaqa ah , iyada oo aan dhinacna garabka la saareen , waxaana aan idiin shegayaa cadaalada halkaas laga sameeya waxaa ay tusaale u noqon doonta doorashada adag ee aynu galayno cadaaladeeda ” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

ku soo biir Subulahanews Newtwork ,waa cinwaankayaga facebook