Inkastoo wanaaguba ku jiro
Waxaad shar moodayso
Xaqaan waabashada aqoone’
Wadaa kuu furan kaa xidhnayd wiigagii hore

Ku dhawaan 30 ka hor maanta oo kale 1884 shirkii barlin ee isticmaarka reer urub ku arinsaday sidii ay dunida inteeda kale u qaybtami la haayeen; qaybtankaasi oo ay uga golahaayeen danahooda khaaska ah ee dhinacyada badnaa, talladii sabankaasi u taaba gashay waa ta maanta u horseeday reer urub in ay ku tanaadaan ku sugnaashiyaha hormuudnimada wajiga dhulka iyo basharkaba dhan siyaasadeed, cilmi iyo tiknoolajiyada, dhaqaalaha iyo dhiska dhanwalba leh oo xaalkoodu noqday ( tallo mar kuu toostaa baryo damba aad ku tamarisaa ) xataa ay gaadheen heer bini Aadamka kale oo dhami inta ay toodii ka tageen iyo iyaga la gudaydo oo la hiigsado dhan walba ( xumo iyo same intaba ).

Qorshayaasha muuqda ee shikaa ka soo baxay waxa ugu xusid mudnaa ( sameynta xuduudaha oo sumad u ahaa inta gumeyste kastaba astaan u ah oo ay ku dheehnayd siyaasado guracan oo aan dan u aheyn afrika iyo eeshiya toona , ayaan darada ugu weyni wuxu ku dhacay degaladii ay yaaleen dunida muslimka ku abtirsada, sababtuna aheyd meel kasta oo uu rabo gumeystuhu in uu qabsado intaanu maamul u sameynin waxa ceelalyo iyo sahan u qaabil sanaa MISSIONAREIS diin fidiyayaashooda oo marka ay degalada muslimka joogaana rag muslim ah isu eekaysiin jiray, meelaha aan muslimka shaqo ku lahayna shaqadooda cadeysan jiray, somaliland diin fidiyayaasha inoo yimi ee ingiriiska sahanka u ahaa waxa ugu door roonaa RICHARD BERTAN- SHEEKH CABDALE ku matali jiray fadhigiisuna ahaa magaalada saylac 38 sanno, ujeedadoodu aheyd in ay ku ciyaaraan 2 dan kaadh mid kood ( GOBEYN iyo GUMEYN) hab maamul, dhulka ay qabsadeen meelaha raad maamul muslin ah ka jiray isla markaana ka dhashay hogaamiye muslim ah oo gaalada horey u liciifiyey haduu jiro , waxa uga meel yaalay in ay gumeeyaan sida ( Saylac oo kulansatay horey in ay u aheyd boqortooyo muslim ah oo ku darsatay in uu ka dhashay xukumay boqortooyadaasi hogaamiye AXMED IBRAAHIM GEESAALE- Axmed-gurey, oo xabashida oo haysata tiinta kiristaanka oo boholo iyo laaley ka riday xabashidii , fogeeyey oo ku kalifay in ay cunaan hilib ka qaydhiin, yoolkii gumeynta inagoo diirada ku hayna (maanta saylac iyo dadkii sabankaa qiimaha lahaa waa sidee? Ingiriisku miyuu gumeeyey mise gumeeyey ? gumeystuhu isagoo u aaraya mabda’ diintiisa kiristaan iyo dadkii haystay ee xabashida ahaa ee uu axmed gurey haligay cawaaqibkeedii wuxu noqday dadkii reer saylac ahaa waxa uu u qaybiyey sadex dal in uu aasaas uga dhigo degmada Borama iyo in Jabuuti iyo itoobiya u kala yaacda , isagoo uga gol leh duminta saylac oo lagu qoonsaday taliskii muslimka ahaa ee ka dhisnaa gayigaasi iyo geesigii ka dhashay ee axmed gurey ee huqda u gaystay dadkii iyo diintii kiristaanka aheyd ee ay aaminsanaayeen waa sababta saylac iyo ehelkeedii iyo taariikhdoodiiba uu hoos ugu dhigay gumeysigu !!!).

Kurdistan waxa ku nool qoomiyad aan isir ahaan carab aheyn, muslim ah, waxa ka dhashay geesigii weynaa ee ( SALAAXU DIIN AL AYUUBI ee Baytul maqdas furtay mar labaad kii ) markii uu gumeystaha ingiriis qabsaday dagalkaasi, mudo uu ka baaraadegay , darsay dadka kurdiga ah ee muslimka ah hadimooyinka ay soo gaadhsiiyeen dadka iyo diinta kiristaan ka, waxa u soo baxday gumeystihii in uu ka aar goosto doorkaa iyada ah, illeyn dunidaa iska ayaan ba ayaan ah, sida ay u taalo e’ , xuduud maamuleedkii uu sameeyey ayuu ku wiiqay qoomiyadii kurdiga aheyd, oo uu ku qaybiyey ( iran, turkey iyo ciraaq) sidaasay ku laasimeen nolosha cusub ee casriga gumeysta ka abuurantay in qoomiyadaasi noqdaan dad aan qiima badan iyo muuqaal maamul dawliya oo tamar gal ah la hayn.

Dawladaha kurdistan iyo catalonia somaliland ha aqoonsato sababahan dartood :

Dayax gacmeed ka marka la gano qarax ayuu sameeyaa, mudo samada marka uu u sii baxaba si uu tamartiisa iyo xawaarihiisa u sii kordhiyo qarax kale ayuu sameeyaa , qarni iyo dheeraad ayaa laga joogaa xuduudihii hore ee uu dawladnimo u dhisay , aqoonsaday gumeystihii reer yurub ee ay la macaasheen, waxa muuqata ifafaale hore leh isla qarnigan cusub horaantiisa oo odhanaya aqoonsiga maamulo cusub si ay u noqdaan dawlado buuxa, oo ay ugu horeyso DAWLADA KURDISTAN IYO CATALONIA oo aan rajeynayo in DAWLADA SOMALILAND ay ku xigto .

1. Dawlada kurdustan sida aynu woqooyi u naalno ayey kurdistan waqooyiga ciraaq ku taalaa, toddobaadkan dhamaaday badhtan kiisii ayey baarlamanka dawlad goboleedka kurdistan 92% u codeeyeen madaxbanaani buuxda in ay ciraaq ka qaataan , carabtu may aqoonsan iyo dunida inteeda kale oo ay taa la wadaagto dawlada somaliland aqoonsi la’anta, hayeeshee waxa jira dawlado badan oo reer galbeedkii horeyba u aasay oo cadhadii salaaxu dii ka ba’day oo raba in dal buuxa oo ay la macaashaan noqoto kurdistan, sababtuna tahay keydka shidaal ee ay haystaan iyo ceelasha ku yaale hada iyo sida ay nabadgalyadooda u xafideen dartood, hadii dawlada somaliland ku dhawaaqdo in ay aqoonsatay dawlada cusub ee kurdiga oo u qalanta aqoonsi, waa hubaal in somaliland magac , manfac iyo xulufo ba u soo kordhayaan somaliland oo ay ka helayaan kurdistaan lafteeda iyo daneeya yaasha dahsoon ee reer galbeedka iyo israel ee raba in kurdistan noqoto dawlad buuxda.

2. hadii ay somaliland aqoonsato kurdistan iyo catalonia oo labadaba xaalada hooda aqoonsi raadis maalimahan aad u ooganyihiin, somaliland lafteedu ku dhawaaqdo in ay 2daba u aqoonsatay wadamo madax banaan, somaliland waxa ay helaysaa libinta ah in ay aad u soo jiidato indhaha beesha caalamka ee somaliland hagraday oo ay u aqoonsadaan dal iyo dad la jecel madaxbanaanida ay raadinayaan umadaha kale ee raadinaya xuquuqda aynu inaguba tabayno dareen kaasina sabab u noqdo in ( somaliland , kurdistan iyo catalonia intaba qaraar meel mar ah dunidu ka qaadato oo aqoonsi ah ).

Murti baa ah ( be a reflection to what you want ) somaliland waxa ay rabtaa aqoonsi caalamiya !! sax waxa ah somaliland lafteeda haka yimaado aqoonsigu ugu horeyn oo iyadu ha bilowdo taas, aqoonsiga kurdistan iyo catalonia haka bilowdo si la inoo aqoonsado inagana!!.

3. Baaq iyo dhambaal dunida inteeda kale u dirnaayi culeyskiisa ayuu leeyahay oo waliba ku fariimaysan ka hadalka taageerada xuquuqda ummad ka baxsan xuduuda somaliland; hayeeshee bilow iyo cusayb inagu ma’ah oo waatii madaxtooyada somaliland bil ka hor qaramada midoobay iyo dunida inteeda kale kula hadlaysay baaq cod dheer siday ( baroor diiq, taageero iyo isgarabtaagid signal muujinayey in aynu ka xunnahay oo barbar taaganayahay, qoomiyada isir sifeynta lagu hayo ee dhulkoodii laga barakiciyey ee rihiingaha qaarada aasiya)

Dhambaalkaasi culeys weyn buu la haa marka loo eego fariinta uu siday iyo aragtida guud ee reer galbeedka iyo sida ay uga gaabsadeen wadamadii dunida muslimka oo idil marka laga reebo dawlada turkiga, inagoo ka tusaale qaadaneyna dhambaalkaasi hore ee culeyskiisa la haa wax inoo diidayaa ma mirto in aynu ku dhiirano aqoonsiga kurdistan iyo catalonia ee aynu isku duruufta nahay , waliba kurdustan calankeeda iyo calanka somaliland wey isku eegyihiin dhanka midabbada uu ka kooban yahay ee ( casaanka, cagaarka iyo cadaanka, kaliya halka inaga xidigta madaw ah ayaa iyaga qorax ah ).

Markale dawlada somaliland waxa aan u soo jeedinayaa aniga oo dareensan wanaag ay inoo soo jiido moo yee in aan waxba inagaga wiiqmayn, in dhamaal aqoonsi ah loo diro dawladahaasi reer galbeedku dabada ka riixayaan in aynu ( tis u ridano ama wadheena u ridano, waxay somalidu odhan jirtay : hadaad aragto ama u timaado reer la oodaayo oo hada soo dagay tis baa loo ritaa!!) .

Gebogebo :

Hadii dadaalka dawladnimo iyo wax tarkiisu tahli kariyaayo in uu dalka gaadhi kariwaayo; waa mahuraan in dhulkii maamulka iyo boqortooyada ADAL ka oognaan jirtay ee uu gumeeyey gumeystuhu sababta maamul diinaya oo ka dhisnaa, dhulkaas oo maanta uu ka sii noolyahay magaca AWDAL in markale uu siraadmo; hab maamul (dawlad goboleed ka mid ah somaliland, ujeedadeeduna tahay kor u qaadida nolosha dadka iyo deegaankaasi oo muwadiniinta reer somaliland ku qalooneynin gees ay tahayba si ay somaliland ugu soo korodho maamul daadajin, dhaqaale laxaad leh iyo nolosha ummada oo kor u kacda.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews