siyaasiyiinta isaaqu dhinacyo badan ayey ka dhibaataysan yihiin dhibta ugu weyni waa inayna lahayn aragti fog ayna isku oodeen aqal, isla markaa ubadkooda ku ababiyeen waa la inaga xunyahay iyo waa la ina takooray ma doonaayo inaan ku sii fogaado seediyaashayda guud iyo gaar ee hoose ee xaafada xawaadle ka dhex caytama oo ah kuwa ugu fursado badan balse ugu faa;iidaysi yar.
si fudud ayaa loo fahmi karaa in sirdoono siyaasadeed oo caalami ahi arrimaha afrikada khayraadku ceegaago faraha kula jiran iyagoo ku hoos dhabanaaya adeegsiyada dhaqan iyo diimeed ee qaarada, waxbadan halkan kuma soo koobi karo kumana soo wadabandhigi karo waxaa jira adeegsiyo huursan oo dadka beelaysi ula muuqda balse hoosta wax kaga lamaan yihiin saxaafada soomaaliland maaha mid la jaanqaadi karta jihooyinka ay u socdaan dhaqaalojuqraafiyeedka ama (geoeconomy) waxayna joogto u keentaa dhabar wareeno wiiqa shakina galiya guulaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee somaliland waxay iigu yaab badnayd markii aan tegay hargeysa waqti ayna wax ka badan sannad jirin dawlada kulmiye waxaa wargeyska DAWAN oo afka dawlada ku hadla ka socda turjumaad buug xasaasi daran ku ah dalka itoobiya oo ay itoobiyaanku faafidiisa dhimasho ka xigaan Buugaas waxaa la yidhaahdaa af ingiriisi BLACK SHADE oo soomaali ka dhigan HADHKII MADOOBAA ,halka carabina la yidhaahdo ADILUL ASWAD. waxaa qoray qoraa masriya oo sida dad uu la joogay buugta u qora oo la yidhaahdo NAJIIB ALKAYLAANI buugu wuxuu ka waramayaa sida kaniisada itoobiya maamulka boqortooyada itoobiya gacan ugu leedahay sida ay LIG ILYASU oo ay iskadhaleen ina menelik SU’ARAGAASH iyo ex maxamed cali(makaaiil) uga tuureen boqortooyada KUNA BEDELEEN RAS TAFERE MEKONEN AMA XAYLE SALAASE. markii ay kaniisadu ogaatay inuu hoosta ka aaminsanyahay diinta islaamka oo aabihii aaminsanaa intii anu gacanta u maxbuus ahaan ugu galin boqor menelik oo kala dooransiiyey inuu kiristaan noqdo oo uu siiyo gabadhiisa iyo inuu dilo ka dibna uu doortay inuu kiristaan noqdo sidaana ku noqdo saygii shuu aragaash ama ina menelik buugaas waxaa turjumay qoraa ka mid ah qorayaasha naadiga soomaaliyeed ee naadiga pen eejabuuti ka aasaasan oo la yidhaahdo ADEN BELELOO oo hada ah safiirka jabuuti u jooga soomaaliya AADEN BELELOO wuxuu kamid ahaa arday ciise u badnayd oo wax kabaran jirtay madarasad yar oo la odhan jiray baabalmandab oo ku taalay xaafada Belbela Caadi ee jabuuti, gabankaasi waaninkii lagaclay xawaadle ee guursaday wariye MOHA DAAHIR JIRE .markii aan mildhaday buugii oo turjumaadiisii socoto qaybtii 17naad ayaan gaban reer axmed nuuxa ku idhi ma taqaanaatafaqtiraha wargeyska dawan bal waydii halkuu ka soo galay buugani iyo sababtuu u turjumaayo gabanka la yidhaahdosayid aad ayuu uga booday su’aashii wuxuuna ku yidhi yarkii reer axmed nuux ayaa waxaas kula soogalay iyomaxaad ka doonaysaa yarkii yaab talefoonkii dhig igu yidhiadeer buugu muxuu ahaa waxaan ku idhi adeer kolayba degdeg ayaa loo joojin doonaaye ii soo sheeg waxaa lagu joojay qaybtii 28naad laakiin labadiiba waxay is dhansiiyeen muuqaal kale oo iska ururin oo aya aniga iga qaadeen markaan ku soo qaadaba shikigaa bata bal u fiirsada buugta lagu turjumo saxaafada somaliland iyo waxyaabaha ay qoraan buugaas iyo dhacdadii ONLFTA lagaga soo dejay xaabta galbeed ee awdal way isku dhowaayeen labadaa iyo dhacdooyin kaleba sida qaraxyadii loo geystay safaarada itoobiya,madaxtooyada iyo UNDP waxaa lagu wiiqaayey xidhiidhka iyoisdhexgalka dhex maray dawlada itoobiya iyo somaliland taasi oo xitaa keentay in shirkada diyaaradaha ee itoobiya ee caanka iyo guunkaba ahi ka soo degto somaliland kuna samayso duulimaadyo kabadan jabuuti iyo nayroobi anigu ma baran sirdoon ee waqtiga iyo waayaha iyo akhriska ayaan ka faa’iidaystay wargeyskan afrikaanka ahna lama yaabaayoee qiimaynta ku sameeyey inuu cirro guulaysanaayo oo wuxuu waraystay iloheshiisyo hoose kula jira CIRRO ooula shaqaynaaya si uu faa’iido ugu ilaaliyo waxaana daliil u ah khaladka qiimayntiisa wuxuu yidhi mudadii uu gudoomiyaha golaha wakiilada ka ahaa somalilad waxay gaadhay guulo dibad iyo gudo ah bal day guulaha dalku gaadho ma waxaa lagu sidkaa xukuumada iyo xisbiga talada haya mise gudoonka sharci dejinta waxakeliya oohaydaha sharci dejintu ku amaanan yihiin inay taageero u muujiyaan mashaariicda horumarineed ee dawladu soo bandhigto muxuu taageeri mashriicii dekeda wuu ka noqday ayaaba laigu yidhi mida wadahadalada somaliland iyo somaliya CIRRO FARBAA KU GODAN guntii iyo gabagabadii guuli umadhowa CIRRO EE WUXUU KA DHEX KALUUMAYSAN DOONAA GUUSHA KULMIYE HADDAY MUUSE IYO INTA KU WAREEGSANI INDHAHA SIYAASADEED EE CAALAMAIGAAH IYO GALGALKA SIRDOONADA SIYAASADEED HOOS U DHUGAN WAAYAAN OGAADA ASKARTANA WAA LA DABASOCDAA INA AW CALI DHEH INA BIIXI DHEX , ATOO SIYAA ABRIHII ADISABEBE QABTAY saaxiibkaygii siyaasadoow xeebtii waa la isku soo kubaareeyey awdalna waxaa loo rogay meedaanka ugu weyn byebye

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews