Daraasad yar oo dhawaan la sameeyey laguna eegayeey siyaasada kulmiye ay wax
ku soo hogaamineysay yaa waxa lagu ogaadey dhawr arrimood oo ahaa mid
habeysan oo u hawlgala sidii loo qorsheeyey
1. La dhaqanka qabaailka darifyadda:In uu dadaal badan u galo, xaqiijiyana sidii
qabaailada darifyadu loogu magacaabi lahaa ama laga soo xuli lahaa dad
misaankooda siyaaasadeed ama garasho aad u hooseeyo oo iska ah garab-
rarato ama niman iska barakeysan ah. Arrintaasna guul weyn buu xisbigani ka
gaadhey. Bari illaa galbeed waxa uu ka soo dabrey dadkii ahaa yoolkiisa
siyaasadeed. Tageero buuxda mooye wax critics ah ama caadh-awrnimo ah
laguma yaqaan.
2. In si fiican ula macaamasho, danahoodana fuliyaan ganacsatada waaweyn:
sheekadan ganacsatadaa waa tan ugu muhiimsan waayo waxay xisbbiga u
ogolaatey in uu wax gato, dad iyo duunyaba. Ganacsatadaas oo ay ku jiraan
kuwa wadanada jaarka degan dhamaantood si buuxda yaa loo soo xero-
galiyey. Daraasada la sameeyey waxay ogaatey in ay ganacsatadii ay welli
leeyihiin waar kulmiye into joogey baan si fiican u macaashney ee waan iskala
joogeynaa waan saareynaa kursiga muruq iyo maalba.
3. In uuku asqeeyo bulshada mashaariic aan majaro lahayn: qawda-maqashii ah,
qiiro lagu asley, oo marnaba aan qaan gaadhin. Istratijiyadani muddo ayey si
fiican u shaqeysan oo ay ku guuleysteen in dadkuu jidboodo……….oo ay ku
heesaan culimadu digriga ma daayaaneeey, culimadu digri ma daayaaneeeey,
waar culimadu ma daaayaaaneeey!! Mashaariicdaas waxa laga dhigey degmo
walba, tuullo walba, looma aabayeeley tayo iyo dhaxal-gal mid toona ee waa
ha socoto. Illaa maanta dadweynaha qaar baa ku hadaaqaya waar kulmiye
waxa badan buu qabtey mana oga in ay mar hore duugoobeen.
4. In uu hanto dadkan loogu yeedho qurbo-jooga: oo gacan fiican ay ka helaan.
Istratigiyadu waxay ahayd in yar yarka meelahaas ku dhashey ama ku soo
korey ee afka ingiriiska si wacan u yaqaan la adeegsado oo ay la qaxweeyaan
dawladaha hoose ee magaalooyinka ama tuulooyinka ingiriiska ama Swedan
ama dalal kaleba. Arintani kuma ay qotomin ictiraaf raadis ee waxay u
janjeedhay keliya in durmaanku meelahaas calamka ah ka sanqadho.
5. In lagu goobto ama sida abeydinka loo dhawro golaha loo yaqaan golaha
guurtida. Istaraatijiyadani si fiican bay ugu shaqeysay, hase yeeshee ma ay
ahayn mid hufan ee waxa asqeeyey musuq, qaraabo-kiil iyo xatooyo badan.
Golahani dhaqan ahaan bey bulshadu isaga dhawreysey oo inta badan ay
islahaayeen odayada gadhcastu wey indiin habaarayaan. Qaar kalena u
arkayeen waa golohii badbaadada ee ha iska cantoobtaan. Golahani waa
golahii go’aan kasta xaq iyo dulmiba ku taageeri jirey xisbigan kulmiye.
6. Dallicinta tuulooyinka (upgrading to districts): Ka hor xisbigan arrinku
beelahaan buu ku saleynaa hase yeeshee waa la iska la tegy oo aradaayo iyo
kooxo bey ku adeegsataa. Dad looma eego, duunyo looma eego, daaqsin
looma eego ee xukuumadu wixii durmaan tumey ee doonaya qolqol gaaar u ah
way raali –geelisaa waxaynu kula talisaa waar bal soo eegta buur meelahaas ku
taal oo aan cid kale sheegan. Waxa dad is weydiiyaan waar waxaas oo
degmooyin ah yaa dakhli u hayo loogu dhiso maamul
7. Ka qeybgalka qallin jabinta dugsiyada: Dugsi quraan illaa jaamacadaha
dabarka furtey si wacan bey xukuumadu isku tustaa oo ay ugu diraan madaxda
inta badan kuwa maqaarka ah ka qeybgalka fursadaha furitaaan dugsi ama
qallin-jabin. Istratijiyadan oo ah mid qiiq isku qarin ah in badan baa dadka
rumeysaneysa oo leh waar xukuumadu cilmigii iyo waxbarashadii kor bey u
qaadey. Istratijiyadan si weyn buu dalku ugu hoogey. Waxa la odhan doonaa
ayax teg eelna reeb. Hal malyan oo wada engineer ah, dhakhaatiir ah, siyaasiin
ah, garyaqaan ah, mufti ah, duuliyayaal ah, maareeyayaal ah, dhaqaaleyahan
ah.
8. Isku shaandeynta dawladda ee joogtada ah: daraasadu waxay daaha ka
qaadey in ay saddex jeer ka badan tahay heer beega dunida loo cayimey in ay
dawladi sameyso shaandheyn. Istraatijiyani waxay daraasadu barbardhigtey

ama ku sifeysey geel-jire wadaaanta u haya hormo geel ah oo kolba dhawr
halaaad la waraabinaayo. Isku shaandheynta inta badan wax aka dambeeya
haddii xukuumadda si xoog leh oo mararka qaarkood hubeysan loogu
hanjabo…………waxana caam ku ah kunna ceesha nimanka daarood ee shanta
lugood leh oo midiba ay meel taallo
9. Ciidanka RRUda loo yaqaan ama xakameynta degdega ah: Istratijiyadan
waxay ka mid tahay kuwa cabudhinta dadban ama u turuqsheegashada
bulshada ee, ahna nidaamka gacanta birta ah ee dadban. Ciidankani si fiican
baa loo mirqaamiyey, indhahaa wada cas, waa buti-wadh-leh, xabadu ma
karto, ilbidhiqsi bey ku gaadhaan meesha loo dan leeyahay.
10. Gacan ku-heynta xeer-ilaalinta iyo maxkamada sare: Xisbigana sida
daraasadu cadeysey wax badan bey ku soo macaasheen gacanku heynta
kooxaha ama golaha fulinta sharciga. Waxa la ogyahay in maamulkani si cad
ugu diidey in maxkamadu ay xor noqoto, ilaa heer hoose oo xataa qaadigu
markuu labo isku meherinaayo la tashi buuxa la sameeyo.
11. Heshiis lagalka dibada: daraasadu waxay heshay ujeedooyinkii laga lahaa
heshiisyo badan ay ka mid yihiin kan Imaaraadka, kuwo shidaal, ku dalxiis iyo
qaar kale oo yar yar. Wey shaqeysey istratijiyadani oo dad badan baa illaa hada
aaminsan in dawladu ay aduunka soo jiidatey………….waana sirta ka dambeysey
hawlgalkaas ama aragtidaas ku saabsan dibadda. Dhinaca dhaqaalaha, si fiican
ummadu waxba uga oga loomana saafsaafin waxa hanti eek a soo galay
heshiiyadani.
12. Saxaafadda iyo la dhaqankeeda: daraasadu waxay arrinkan ka fiirisey dhawr
docood: intee ayay xor tahay saxaafadu? Intee ay qodantahay farogelinta
dawladda, Intee wariye ayaa lagu xidhey shaqadiisa asagoo gudanyaa. Waxay
daraasadu ogaaatey in marka loo eego heerbeega caalamiga ay dawladani in afar jeer ka badan ay talax tegtey saxaafada

Lasoco qaybta labaad.
Qalinkii A.O.A

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews