Ninba maalin ayey u taagantahay, shacabka reer Awdal iyo salal waxaan waydiiyey su’aashan , waar ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaad maanta dadkeena qaarkiin u yaacayaan oo cod aad u raadinaysaa waliba cod u idinku dhaco , ninkii shalay duhur cad Borama idiinku yimid yidhi , Reer awdalow codkiinu Degmada SAYLAC inaad maayar ka noqotaan idiinma gooyo ee hala siiyo Beesha ciise.
Muuse oo aan madaxweyne ka ahayn dalkan ayaa sidaasi idiinla hadlay, waliba ku darsada oo muuse waxba maydin waydiisan ee waxaa u idiin quudhi waayey waxa codkiinu idiin gooyey iyo dhulkii awowyadeen.

Hadii bari muuse Madaxweyne ka noqdo dalka , waxaad ilawdaan ilixda goobood ee xayiran , waxaad ilawdaan degaamada hoosyimaad Gabiley oo dhan , waxaad ilawdaan banka wajaale , waxaad ilawdaan degmada Saylac iyo lughaya, waxaad ilawdaan Ruqi iyo degaamda hoosyimdaad Baki.

Miskiinka Saylici silaanyo oo aan dhib ku hayn ayuu dudmo iyo cadho dhiig kar ka qaaday ee bal ka warama ninkaasi fuqa taagaya hadii dalka madaxweyne looga dhigo , walee inaan saylici iyo afarta inan ee bahabar celi ee ku wareegsan dib loo arkayn .

Bal ka warama hadii maanta beesha dhexe lagu yidhaa , waxaa madaxweyne laydiinka dhigayaa , Morgan iyo gaandhi, tolow jawaabta ka soo baxdaa maxay noqonlahayd, Jawaabta ay ka bixiyaan waxay la mid tahay ta marka muuse oo madaxeyen dalka ka noqda ilaahay kama dhigeen aan ku jawaabi lahaa, waar ma ninkii maryaha dhiiga leh aan kala furanay ayuuna muuse ahayn, dhalintii iyo xoogiinii sodon sodonka loo aasi jiray ma waxaad dhaafsateen inaad muuse maanta sacabka u tuntaa.

Bal waxaad ila daawataan duqii ina samatar oo leh Muuse biixi shanbaan ku raacay ,

Nasiib daro ka wayn anigu garan maayo , damiir xumada intaasi leg ee ka hadlisay ina samatar oo 70 jira oo aan caqli cimri iyo aqoon bidaynay haduu kaa yahay bala ka sheekeeya dhalinteeni, kaasi waa kii dhalinta reer Awdal habeen iyo maalin isku soo wareegay soo dhawayntiisii iyo ficilkii lagu soo xumeeyey muqdisho ay ka seexan waayeen ay is xidheen kalabadhay ilaa Borama, damiirlaawe ina samatar waa kaasi ka faanay tolkii ee maanta muuse askar dhiigii tolkii ku maqanyahay garaadkiisu keenay Madaxweyne halaydiinka dhigo.

Anigu saylici iyo inta la garaadka ah ee damiirkoodu dhaafi waayey in koob shaaha cadeeyo lama yaabin , waxaanse la yaabay kuwa wiilashoodi ku maqanyihiin, gobolkoodu lix goobod ka maqanyihiin, Xeebta Salaal shacabkoodu lagu cashuuro , cashuur madaxaa ha ku furto loo bixiyey oo aan dalka meelna laga qaadin, bari , galbeed iyo konfur ee u badan beesha maxamed Case Samaroon ee hadan sacabka tumaaya.
Damiir laawayaasha kale ee , ina sheekh cali ayaanle, ina xasan mataan iyo inta la hal maasha waxaa u damiirkoodu dhaafin waayey in ay muuse diidaan oo waxay dadkoodi iyo karaamadii dhaafsadeen hunguri iyo bari masruuf aan lix bilood dhanayn ….

Qalinkii Muuse Xasan obsiiye.
Amsterdam. Netherlands.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews