Madaxweyne ku xigeenka somaliland waa nin afgaaba oo miskiina , kuwaasi iyo hadalo kaloo badan waa hadalada aan maqli jiray markii u ololha doorashada ku jiray, Saylici qoqobka iyo kala qaybinta u dhex dhigay shacabka reer Awdal waa waxaan la qiyaasi karin, Saylici hortii dhibka reer Awdal dhexyaala waxaa u ku kobnaa siyaasiyiinta xafiiltanka siyaasadeed ka dhexeeyo iyo marfashyada qaadka.

todobadii sanadood ee saylic dalka madaxweyne ku xigeen ka ahaa waxaa inagu habsaday, waxa damiirka cafimaad qabaa malayn karin, qabyaalada reeraysan ee urrtay waxay maraysaa in magaaladii BOORAMA reer walba hotel yeeesho , reer walba maqaaxi shaaha ka cabo , reer walba jaamacad yagleesho, reer walba dugsiyo gaar ah shegtaan in qofka xanuunsanayaa dhakhtar reerkooda ah raadsado.

Hadaba akhriste waxaan ku waydiiyey ma laga yabaa in uu damiir cafimaad qaba oo in uun wax qiimanyn karaa kugu hadhay, bal u fiirso odayaashan saylici hormuudka ka noqoday ee midi midi ku taagta noqday ee ay kow ka yihiin, SULDAAN DHAWLA , SULDAAN SAMATAR IYO SULDAAN SALEEBAAN, ee aan waxba xeerinayan dhalinteeni isku diray …… ilaahaybaan idinku dharshee ma waxaa siyaasiyiin inoo noqday ,Axmed Muumin Seed, Axmed Yasiin Sh Cali iyo Cabdirashiid Xasan mataan oo shaqadoodu noqotay “danta umadayda ayaan raadinayaa” danta umada reer Awdal adeer waxay ku jirtaa isku duubin iyo in ay wax wada yeshaan ee kuma jirto inay wax kala yeshaan.

Hadii aan nahay dhalinta dalka iyo dibadiisa joogta waxaa inala gudboon in aan badbaadino dhulkeen, dadkeena oo aan ka badbadino qoriga dabka ah ee Cabdirxamaan Saylici dabada hayo , siyaasiyiinta magafayaash ahina kolba dabaka ugu soo qabanayaa, dhalinta caafimaadka qabta ee aan la hadlayaa , qabiilkeen reeban , waxaan isku nahay reer Awdal oo aan reer lahayn… HAL HAYSKAYGU WAA…waxaan ahayn maxamed Case caafimaad qaba, habarcafaan waxwalba ka fayooyo iyo makaahiil ka bogsoon anigaa badan.

dhalinyarooy danta dadkeena iyo dalkeenu waxay ku jirtaa inaan ka digtoonaano ABEESKAASI GURIGA INOO JIIFA ee Cabdiraxmaan Saylici, todobo sanadood oo u ina horfadhiyey waxaan ka dhaxalnay waad u jeedaan, shan sano oo kale oo xisbigaasi xarantanta ahi inagu soo noqdo waa dabar go’een iyo reer Awdal meel kastoay jogaan oo la raadceeyo.
Dhulka Awdal, dhiiga Awdal waa inaan codkiina ka xarantimeeya Saylici iyo xulafadiisa Muuse Biixi ugu wayn yahay.

Mahadabalaadhan
Qalinkii Muuse Xasan obsiiye.
Amsterdam. Netherlands.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews