Marshaal Dada IDI AMIIN waxuu ka mid ahaa Askartii Afrika kasoo talisay kuwii ugu xumaa. Wuxuu ku dhashay Kampala 1925, wuxuuna ku biiray Iskuul Islaami ah oo ku yaallay Bombo, 1941. Afar sano kadib, wuu ka saaqiday Skuulka, waxaanu ku biiray King’s African Rifles (KAR), asago ku shaqeeyay kaaliye Cook ” Assitant Cook”. Sanadkii 1949, waxa cutubkii ciidamada ee uu ku tirsanaa loo beddelayWaqooyiga Kenya ” NFD ” si ay ula dagaallamaan kacdoonkii Soomaalida ee loo yaqaanay ” Shifta”. Sannadkii 1970-kii, waxaa loo dallacsiiyay Taliyaha Ciidamada qalabka sida. Dada Idi Amin wuxuu Xukun Militari ku qabsaday Uganda, Janaayo 1971, asagoo inqilaabay President Milton Obote.
XASUUQ & CADAADIN “ PERSECUTION & REPRESSION “
Idi Amin wuxuu cidamada ka safeeyay taageerayaashii President Milton Obote ee kasoo jeeday qowmiyadaha Acholi iyo Lango. Ilaa Horraantii 1972, wuxuu dilay ilaa 5,000 askari oo u dhashay qoomiyadaha Acholi iyo Lango . Waxa kale oo uu laayay Hoggaamiye diimeed, Suxufiyiin, Farshaxanno, Saraakiil sarsare, Garsoorayaal, Qareeno, Arday iyo Aqoonyahanno. Tirada saxda ah ee dadka la dilay lama hayo . International Commission of Jurists waxay ku qiyaaseen ilaa 80,000 qof. International Amnesty waxay ku qiyaastay dadka la xasuuqay ilaa 500,000 qof. Dadka ugu caansan ee la dilay waxa ka mid ahaa Benedikto Kiwanuka, Ra’iisul-Wasaari hore ; Janani Luwum, Anglican Bishop; Joseph Mubiru, Governor of Central Bank; Frank Kalimuzo, Vice Chancellor Makerere University ;; Byron Kawadwa, oo ahaa Ciyaaryahan caan ah; laba Wasiir oo kala ahaa Erike Wilson iyo Charles Ofumbi.
ASKARI WAA ASKARI “ SOLDIER IS A SOLDIER”
REER SOMALILAND HA XASUUSTAAN OO HAKA DIGTONAADAN XUKUN ASKARI “ RULE OF THE SOLDIER “
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews