Xulka kubada cagta ee dalka Argentine ayaa si adag ugu soo baxay inay ka mid noqdaan xulalka ka qayb galaya koobka aduunka ee sanadka dambe lagu qabanayo dalka Ruushka.

Ciyaartoyga xulka Argentine oo rajadoodu aad u hoosaysay ayaa kulan adag la ciyaaray dhigooda Ecuador oo ay marti ugu ahaayeen garoonkooda.

Xulka Ecuador ayaa daqiiqadii koowaad ee ciyaarta gool kaga naxsaday xulka Argentine goolkaas oo uu dhaliyey weeraryahanka Romario Ibarra, iyada oo goolkaasina ciyaartoyga xulka Argentine ku keenay inay ka kacaan fadhiga oo ay dedaal badan la yimaadaan.

Xulka Argentine oo rajada uu kaga qayb galayo koobka aduunku ku xidhnayd oo kaliya inuu badiyo ayaa dedaal badan la yimid, iyada oo hogaamiyaha xulkaasi ee Leo Messi uu muujiyey dedaal aad u badan.

Daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ayey xulka Argentine u suura gashay inay la yimaadaan goolkii koowaad kaas oo uu saxeexay ciyaaryahanka Leo Messi ka dib markii ay si qurux badan uga wada shaqeeyaan Angel Dimaria.

Isla daqiiqdii 18aad ee qaybta hore ee ciyaarta ayuu kabtanka xulka Argentine ku hubsaday shabaqa Ecuodor goolkii labaad ee xulkiisa, iyada oo daqiiqadii 62aad ee ciyaartana uu mar kale dhaliyey goolka sadexaad.

Xulka Argentine ayey guushaasi u horseeday inay kaalinta sadexaad ka galaan guruubka ay kaga jiraan isreeb reebka koobka aduunka,isla markaana ay xaqiijiyan booskooda tartanka lagu qabanayo ruushka.

waxaana tartanka koobka aduunka u soo baxay xulalka Brazil oo leh 41 dhibcood, Paraguay oo leh 31 dhibcood, Argentine oo yeelatay 28 dhibcood, Colombia oo leh 27 dhibcood iyo xulka Peru oo leh 26 dhibcood.

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews