Borama(SBN)Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland Axmed Yasiin Sh cali Ayaanle oo aha wiil dhalinyaro loona hanweynaa  isla markaana dhawaan la doortay ayaa mar kaliya isku soo dhextuuray kambaynka ka socoda gobolka Awdal  isagoo   u xuubsiibtay wakiilka gaarka ah ee SAYLICI iyo Muuse Biixi ee Gobolka Awdal, labadii usbuuc ee la soo dhaafay waxaa u ku Mashquulsanaa kala furfuraka beelaha u ka soo jeedo ee Aadan Yooni isagoo ku foogan  hal haysyada “inagaa isku jiliba iyo danteenu waxay ku jirtaa Xisbiga Dulmiye, isago isku dhererinaaya  Ruug Cadaaga Beesha ka soo jeeda ee Maxamed Alabari”

Axmd Yasiin Sh Cali booska u joogo oo ah mid u dhaxeeya shacab waynaha somaliland , wax gaar ah oo ku kalifaaya in uu wakhtigan noqodo codka saylici ma jirin, hasa yeeshee waxay arintani hoos u dhigaysaa kalsoonida ay ka qabeen shacabka somaliland gaar ahaan kuwa gobolka Awdal, Xildhibaanada dhigiisa ah ee ka soo jeeda xisbiyada dalku waxay ku mashquulsanyihiin danta guud ee qaranka ee kuma foogna danta gaarka ee labada musharax ee xisbiga DULMIYE.

Axmed Yasiin Sh Cali waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay u ku fognaa samaynta waxa u ugu yeedhay beelaha baaho makaahiil oo wararku sheegayaan in dhaliyaro iyo dumar ka soo jeeda beelaha makayl dheere u kula dhex dhacay  isla tabtii u kula dhex dhacay beelah Aadan yooni, Gudomiye ku xigeenka waxaa u ilawsanyahay dhibka ay ku keeni karto reeraha u miinada kala dhex dhigayaa daganaanshaha gobolka iyo wada nolaanshaha  doorashada ka dib.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada somaliland waxaa u quluubta reer awda sida khadka ugu xardhamay , kadib markii u codkooda ku hadalay ee tabashadii reer awdal u si xarago leh warbaahinta madaxweyne silaanyo ugu mariyey hadaladii tariikhda galay ee ‘ REER AWDA QALINBAA DEEQA EE QORI MA DEEQO”

Axmed Yasiin Sh cali  mansabka u jogaa maaha mid ay samayn ku yeelan karaan doorashada bisha dambe ka dhacaysa dalku , waa mansab ku beegan xiliga doorashada dambe ee golaha wakiilada , hadiiba u rabo inuu mustaqbalka codk ka helo beelaha u ka soo jeedo ee Aadan yoonis oo wada jira waxay ahayd inuu wakhtigan xaadirka faraha kala baxo , kala qoqobka iyo kala qaybinta beelahaasi.

 

Siyaasiyiinta aadka ugu dhuun daloola arimaha gobolka Awdal ayaa u arka arinta axmed yasiin faraha kula jiro mid saqiirinaysa hanka siyaasadeed ee mustaqbaka Axmed yasiin, waxayna hadalka ku soo kobeen maaha ninkii maanta noqon lahaa afhayeenka iyo ninka fulinayaa siyaasadaha SAYLICI iyo Muuse Biixie ee Gobolka Awdal.

Subulaha News

Borama

ku soo biir Subulaha news network..facebook/subulahanews