Dayaxa iyo Cadceediyo
Deegaan Lamoodyeey
Malablagu durduurtiyo
Dahabkoo iftiimaay
Daawashada ku wacaneey
Damac Bey iga kaa galay,
Damac baa iga kaa galay,
Waxaa iga dardaarana
oon kaaga digayaa,
dadku yuu isku keyn dirin
Dab dhaxdeena laga shidin,
dab dhaxdeena laga shidin,
Hadeey hadal darisaan
dibnahaaga ha u celin
hadey kula dagaalaan
u dulqaado waligaa,
Dusha Hadalka kaga tuur
iyagaa dareemiye,

hoo iyodanmeel timid
hadaldeeqimaayee
kol hadaad danyare tahay
damnayuu xishoodkuna
carabkaaga damiyoo
ilubay daraadii
damnahaaga dhaafayn